Mahadhooyinka Kacdoonadii 11‏

0
49

mahadooyinkaCiidanka Masar waxa uu noqday mid cilaaqaad dhow la leh ciidanka Maraykanka, kadib markii uu Madax-wayne Anwar Al-saadaat heshiiska la saxeeday Israa’iil 1978kii, kaas oo uu Maraykanku dhexdhexaadinayey, islamarkaana uu labada dhinac u kala damaanad qaaday, waxaanay Dawladda Maraykanku kafaala-qaaday dhaqaalaha ciidanka Masar iyo inay hubka iyo saanadaba ka caawiyaan, waxa kale oo ay ku balan qaaday inay bixiso Malaanyiin Dollar oo lagu caawiyo dhaqaalaha ciidanka Masaarida sanadkiiba .

Heshiiskaasi waxa uu furay is kaashi dhexmaray ciidanka Maraykanka iyo Ciidanka Masaarida, arintaasina waxay sii adkaysay Cilmaaniyada Ciidanka Masaarida, maadaama uu ku shaqaynayo siyaasada Maraykanka iyo ujeedooyinkiisa, waxaanay ubadantahay in is kaashiga Milatari ee Maraykanka iyo Masaaridu uu ku salaysanyahay in la is weydaarsado khibaradaha iyo in laga tashado kolba talaabada la qaadayo, iyadoo la isa siinayo talooyin kala duwan, lana eegayo kolba xaalada ku haboon in laqaato .

Markii ay dhaqdhaqaaqa bilaabeen kuwa ka soo horjeeda Madax-weyne Maxamad Mursi iyo siyaasadihiisii waxay ku eedeeyeen in Ikhwaanu Muslimiinka inuu isku koobay taladii Dawlada, taas oo keentay in ciidanku uu talaabo qaado iyada oo uu hogaaminayo Cabdifataax Al-siisi, waxaanay ka dalbadeen labada dhinac inay isu yimaadaan xalna ka gaadhaan khilaafaadka u dhexeeya, lagumase guulaysan iyadoo ay mucaaradku isku keeneen Malaayiin Qof 30 kii June ee ina dhaaftay, waxaanay ku baaqeen inuu is casilo Madax-wayne Mursi, xiligaasoo ay ciidamadu ku qiyaaseen dadka isku so baxay Afar Milyan oo Qof, kadibna ciidanku waxay u qabteen 48 Saacadood inuu Mursi ku xaliyo waxay dalbanayaan dadku hadii kale waxay ku han jabeen inay soo faragalin doonaan xaalada siyaasada , taasoo ficil ahaan dhacday, waxaanu ku dhawaaqay Cabdifataax Al-siisi 3dii July 2013 ka qorshe kala guur oo ay ugu horayso in la casilay Madax-weyne Mursi.

hadaba waxa is weydiin leh muxuu Cabdifataax Al-siisi oo ah Taliyaha Ciidanku arintaa ugu dhawaaqay ?

Jawaabtu waxaweeyaan ciidanka Masaaridu waxa uu haystaa mabda’a Cilmaaniga, kaasoo ay kamidaysanyihiin mucaaridka ka soo horjeeday Mursi oo diidanaa nidaamka Islaamiga ah ee ay ku baaqeen Ikhwaanul Muslimiinku, sidaa darted ciidanka Masaaridu waxa uu noqday ka ilaaliya Dawlada Cilmaaniga ah ee Masar , sidii ay hore u ahaayeen ciidanka Dalka Turkigu.

Marka la soo koobo waxaynu odhan karnaa sadex qolo ayaa isku kaashaday ridistii Madax-weyne MURSI ku waas oo kala ah: xoogaga Cilmaaniyiinta , Fircooniyiinta iyo ciidanka Masar , ku waas oo awood weyn lahaa soona xididaystay qarnigii aynu soo dhaafnay, hase ahaatee labada awoodood ee hore itaalkoodu uu yaryahay, waxaase libinta siiyay fara-gelintii ciidanka Masaarida oo ka soo horjeestay Ikhwaanul Muslimiinka iyo fikirkoodii ahaa inay soo rogaan shareecada Diinta Islaamka .

Hadaba waa maxay fursadaha horyaala dawladda Masarida iyo dadka reer Masar kadib markii ay ciidanku afganbiyeen Madax-weynihii ay soo doorteen? mase laga yaabaa inay keento arintani dagaal sokeeye oo ka dhex qarxa dadka reer Masar sidii hore uga dhacday dalka Aljeeriya, kadib markii la riday dawladii ay doorteen 1992 kii taasoo keentay dagaal sokeeye oo socday 8 sanadood ayna ku dhinteen 200 oo kun oo qof? mase laga yaabaa inay xaaladu ku noqoto sidii ay ahayd cahdiyadii dawladihii hore ee u ekaa dimuqraadiyada, taasoo ay macnaheedu yahay inay dhalato dawlad rayid ah balse ku tiirsan ciidanka oo ah kuwa iyagu xukunka dhab ahaantii haya, sidii hore uga jirtay dalka Turkiga.?hadaba waxa aynu odhan karnaa arimahaas oo dhami waa suurto gal inaga oo aan saadaalin Karin mid ay noqonkarto.

Dhacdooyinka Masarna waxay cadeeyeen in aanay dadka ka soo horjeeda ikhwaanku lahayn awood dhab ah, hadii aanay gacan ka helin Ciidanka Milatariga, waxaanay nu arkaynaa inay hoos joogaan ciidanka milatariga oo ay dhufays ka dhigteen.

Sida ay cadaynayaan warbixino soo baxayna hogaamiyayaasha inqilaabku way diideen xal kasta oo lagu dhexdhexaadinayo mushkilada siyaasadeed ee wadanka ka taagan, waxaanay gaashaanka ku dhufteen talo kasta oo la soo jeediyey si loo soo afjaro banana-baxyadii ay dadku dhigayeen kadib ridistii Mursi, waxaanay ku adkaysteen in la kala diro dadkii tubnaa fagaarayaasha, taasina waxay cadaysay mawqifka inqilaabiyiinta oo doonayey inay xoogooda muujiyaan, awoodna ku muquuniyaan dadkii isu soo baxay si ay u aamusiiyaan tageerayaashii sharciyada, ayna ugu qasbaan waxay doonayaan.

Waxaanay muujiyeen In hadafkooda ugu wayni yahay inay xoogaga Islaamiyiinta ah ka fogeeyaan hawlaha siyaasada iyo talada dalka , islamarkaana soorogaan nidaamka Cilmaaniyada oo ayb taageerayaan ciidamada qalabka sida oo ah awooda dhabta ah ee kajirta Dalka Masar mana shaqaynayso dawlad aan iyaga kahelin taageero laxaadleh .

Lasoco ……………