Fashilaada qaawan ee dhex-hoganaaya dawlada dhexe iyo dawladaha hoose ee Gobolada Somaliland.‏

0
129

Waxaa laga dhawaajiyey in dawladii dhexe ee xukuumada S/land ay ku fashalintey in ay dhisto awooda aqooneed, awooda dhaqaale iyo mideynta cashuuraha dawladaha hoose ee gobolada S/land. arintani waxay keentey in ay meesha ka bacdo wadashaqeyntii u-dhaxeysey dawlada dhexe iyo dawladaha hoose ee dhamaan gobolada S/land.Waxaa looga fadhiyey in dawlada dhexe ee xukuumada Siilaanyo ay halkii ay ugu timi ay ka sii dhaqaajiso maamul daa-dejintii oo ay wada gaadhsiiso dhamaan D/hoose ee gobolada Somaliland, lakiin nasiib daro xataa waxay maareyn-weydey Dawladii hoose ee caasimada Hargeysa oo hada noqotey dawlada hoose ee ugu fadhiidsan Somaliland.

Hadaba su’aasha la is-weydiinayaa- waa maxaa keenay caqabadan wada-shaqeyn la’aanta?

1- Waxay xukuumadii dhexe noqotey xukuumad deg-degta oo diihaalka la sahda.
2- Waa xukuumad ay miliqsade iyo macal-cune ehel-u-noqdeen oo dimuqraadigii curdinka ahaa mad-madow iyo mugdi gelisey.
3- waxay xukuumadii dhexe noqotey mid aan laheyn Hilaad, Saadaal,Odoros iyo argti fog iyo qorshayaal waqti ku-sarg’an oo la raaco.
4- waxaa xukuumada dhexe seegey in ay dhiiri-geliso isku-xidhnaanshaha joogtada ah ee ay la leedahay D/hoose si ay wada shaqeyntu u-hirgasho.
5- Waxaa xukuumada seegtey in ay taba-barto Golayaasha degaanka ee u-soo tafo-xeytey in ay shaqeystaan ee aaney ummadda u-shaqeyn
6- Waxaa Xukuumada seegtey in ay kabto oo naaxiso xeerarka dawladaha hoose ee burinaya xeerarka dastuurka qaranka sida xeer =17,oo ah xeerka dhulka ee qeexaaya in dhulka beeraha ah ee magaaladu gaadho laga jaro 30% beer kasta, taas oo noqoneysa dhulkii danta guud. halka uu dastuurku ka qeexaayo in dhulka oo dhan dawladu ka masuul tahay.Xeer =12 oo ah xeerka mideynta cashuuraha oo xukuumadii isna ku fashilantey oo mideyn-weydey cashuurihii oo dhan.. Xeer =34 oo ah xeerka maamul-daadejinta dawladaha hoose oo xukuumadu si khaldan u-faro geliso oo ay wasiiro aan ahayn kuwa ay dawladaha hoose wada-shaqeynta dhaw-leeyihiin ay mar-kasta si xun -u-fara geliyaan iyaga oo ka fushanaaya dano shaqsiyeed iyaga u-gaar ah.

Waxaa xukuumada siilaanyo ay wadanka la wareegtey iyada oo dawladii dhexe ee iyada ka horeysey ay si fiican u-bilowdey maa-mul-daadejintii oo dhamaan dawladaha hoose ee dalku dhameysteen xeer-hoosaad-yadoodii maa-mul iyo dhamaan sharciyadii degmooyinka iyo tuulooyinka , taas oo ay xukuumadii hore ku saleysey qorshe ah in mudo 5 sanadood gudahood ah dhamaan la dhiso awoodaha maa-mul iyo dhaqaale ee dawladaha hoose ee S/land oo dhan ka-dibna lagu soo wareejiyo D/hoose dhamaan adeegyada bulshada sida waxbarashada aas-aasiga ah, caafimaadka, beeraha, biyaha, leydhka.IWM

Hadaba xagee ayey sartu ka qudhuntey hada ? Waxay sartu ka qudhuntey oo aan ku-baleysimayaa Soomalidu waxay ku-maah-maahdaa Hal-xaaraan ahi nirig-xalaal ah madhasho. Xukuumada Siilaanyo waxaa ku suntan in ay si mug-leh uga qeyb-qaadatey doorashadii golayaasha degaanka ee dhacey dhamaadkii sanadkii hore taas ay xukuumadu ay si cadaan ah ugu shubatey oo ay af-duubtey codkii muwaadiniinta si ay ugu soo saarto xubno xaaraan ah oo xisbigeeda kulmiye metela oo aan laheyn kalsooni buuxda oo ay cod-buuxa ku helaan ama shacabka kaga kas-badaan. taas oo xukuumadii aynu diraney ee aynu dooraney ay si caadaan ah u-boobtey ilaadadii foodkii shacabka ee gobol kasta iyada oo uu yool-keedu ahaa in ay kas-bato oo soo saarto xub-naheeda golayaasha degaanka ee gobol kasta si ay ugu guuleysato oo Maayarada gobolada oo dhamina ay u-noqdaan xubno ka soo jeeda xisbigeeda kulmiye.

Hadaba sharaf-dhaca dul-hoganaya Dawlada dhexe ee xukuumada siilaanyo oo ay deeradu hada kala dhex-mirato dawladaha hoose ee gobolada Somaliland badan-kooda maxaa u-danbeeyey??

– Waxaa u-danbeeyey in dhawaan Wasiirkii Beeraha oo ka wakiil ahaa wasaarad ay aheyd in ay toos ula shaqeyso dawlada hoose laga xidho Hall kii shirarka ee Magaalada Gebiley, taas oo weliba ay kuu-cadeyneyso wada shaqeyn-la’aanta biyo-dhigtey dawlada dhexe iyo dawlada hoose ee gobolkaa ka dib markii la isaga jawaabey war-baahinta la iska arko.
– Waxaa iyana wax-laga yaq-yaq siyooda ah oo ka reeban maa-mul dawladeed oo iyana ka dhacdey gobolka togdheer caasimadiisa Burco in Maayarkii iyo golihiisii soo doortey ee degaanku ay ku heshiin waayeen aynu shirno oo xisaab-tano , taas oo la isku raacey in ay yihiin xubnaha aan ogoleyn in la xisaab-tamaa ay yihiin xubnihii xaaraanta ku soo baxey ee metelaayey xisbiga kulmiye. Waxaa maanta la isku raacey in Adeegyadii loo doortey ee loo dirtey dhamaan Golayaashii degaanka ee gobolada soomaliland ay wada dayacan yihiin gaar ahaan caasimadii Wadanka oo Hargeysa ah iyo magaalada labaad oo Burco ah.

Guntii iyo Geba-gebadii: Waxaa xukuumada looga fadhiyaa in ay golayaasha degaanka ay waafajiso sharciyada u-yaala ee golayaasha deegaanka ee xakameynaaya kuwaas oo qeexaaya in ay golayaasha degaanku aaney ay aheyn shaqaalaha dawlada hoose ee ay yihiin xubno sharafeed ka sareeya oo ((volunteer ) ah oo dadweynuhu u-soo doortey in ay Degaanka wax-ku soo kordhiyaan oo ay dawlada dhexe aduun iyo qorshe uga soo dhiciyaan.Laakiin waa nasiib-daro in ay iyaguna dalqada uun wax ay-dhigaan iyo aduun uun-raadiyaan oo mushahar ku gor-gor-tamaan sidii Golayaashii Wakiilada ee iyagu uun iska fuudh-yeelay ee is deberay ee 3da- jeer mushaharka isu kordhiyey ee la baxey magaca la yidhaa” aniga uun-baa nool” Waxaan xukuumada leenahay dhaxal-u-reeb-Wadanka.

Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London