Kooxda Real Madrid oo ku mashquulsan soo dhawaynta Gareth Bale.

0
82

bale2W.Wararka: Wararka laga helayo Caasimada dalka Spain ayaa sheegaya in kooxda Real Madrid ay ku jirto qaban qaabada soo dhawyanta Ciyaar yahanka lagu wado inuu noqda kan ugu Qaalisan Kubada Cagta Aduunka.

Ciyaar yahanka Waleska ah ee Bale ayaa maalmihii ugu dambeysay laga dareemayo gurgurasho, iyadoo sidoo kale kooxdiisa Totenham ay kharash gareysey Abid lacagtii ugu badnaa ee ay ciyaar yahano hal xili ciyaareed.

Ilo wareedyo Muhiim ah oo ka imanaya shaqaalaha ku sugan Bernabue ayaa sheegaya in si aad ah la isagu diyaarinayo soo dhawaynta ciyaar yahankaas, balse ma jiro warar si rasmi ah u sheegaya oo ka imanaya dhinaca Maamulka kooxda, waxaanay wararku intaas ku darayaan in qaabka soo dhawyanta Xafladu u eegtahay tii loo sameeyay laacibak reer Bortugal ee Cristiano Ronaldo markii uu imanayey Real Madrid.