Cabdirisaq Suudiyoow Caqli ku dar. Jawaab, W/Q: Muuse Cali Nuur Ammaan‏

0
88

Cabdirisaaq suudi saaxiib aan ku saxee horta waxaad barataa habka afsoomaaliga loo qoro iyo kala horaynta xuruufta soamaaliga fiiri waxaad qortay adhaxdhaqameed adoo u jeeda waa sidaan u fahanee Madhax-Dhaqameed.

Tan labaad waxaad tidhi diyaaradaha waawayni masoo fadhiisan karaan run-way ka yar lixboqol oo kiilomitir, laakiin lix boqol oo kiiloomitir waa hargeysa ilaa ceel-afwayn masaafada intaas le’eg Ma waxaan ka dhignaa airport? Waxaa laga yaabaa inaad u jeeday lix boqol oo mitir.

Arinta kale ee aad sheegay waxaa weeye, waxaad tidhi 13,000,000 doolar oo kuweyt bixisay waxaa jeebka ku shubtay wasiirka duulista iyo hawada mudane maxamuud xaashi cabdi fadlan soo cadee?
Waa suaal ku hortaal.
Hadii aadan cadayn karayn waa gef madax qaran oo aad u badheedhay soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa, “Hadalkaan fiiro loo odhan iyo caanahaan fiiqsi loo dhaminiba way kula fogaadaan.”

Waxaa kale oo jirtay sida uu yahay hanaanka dhaleecaynta iyo wax toosintu waa hab la barto oo waxaa loo hadlaa qaab dublamasi ah laakiin inaad shaqsi weerar noqotaa waa gef iyo weerar madax qaran taas oo aadan cadayn karayn waxa aad u cuskatay.

Qofka fekerkiisu waa xor waa cabirikaraa laakiin waxa jirta qaaciido la raaco taas oo ah mid aan sharciga iyo shuruucda dalka ka hor imanayn dadkala aan kala dirayn.
The liberty is a constitutional liberty _ xoriyadu waa xoriyada sharciga ku dhisan.

Waxaa kale oo ceeb ah wax dadkoodhan xaga wanaagsan u eegaayo inaad xaga xun u eegto tusaale ahaan wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirku waa wasaarada keliya ee xukuumadu ku faanto waxqabadka muuqda ee indhaha caafimaadka qabaa arkaan, kaas oo xitaa culimada dalku soo indha-indhaysay laguna wada qancay habka loo casriyeeyey ee loo dhisay, adiguse aqoon ahaana waxaad kala saari la’dahay km iyo m waxaadna lasoo taagan tahay caadifad aan caqli ku dhisnayn.

Waxaa laga yaabaa in aadan tegin madaarka hargeisa oo wax indha haagu soo arkeen aanu jirin balse xaalkaagu yahay hadal aan falsafad lahayn iyo habloo rumaysto ama loo raaco iskaba daaye waxaad ku wareeraysaa fahankiisa akhris ahaan waayo farta uu ku qoran yahay ayaa aad u liidata oo kasii liidata tii dugsiga hoose lagu baran jiray.
Guntii iyo geba gebadii waxaan ku odhan lahaa nimaadan gaadhayn laguu dhaamee wax ka sheegiisa ee adigu wax iska dhig oo la qabso habka siyaasada iyo faaqidaadeeda iyo sumada hadalkaaga maadaama aad ninwayn tahay aadna u baahan tahay inaad ilaashato wejigaaga iyo karaamadada dambe waayo naftu intay yartahay ayaa la baraa edaabta iyo dad la dhaqanka iyo ilaalinta karaamada waayo hadii aad waynaato waxaad noqonaysaa oday oqole ah oo aan meela saamaayn ku laahayn.
Waxaan kugu dhaafayaa alle ha u naxariistee abwaan siciid ayaanle weedho gabay uu lahaa oo aan kasoo qaadan doono dhawr tuduc.

Afrikiyo raga yurub tegaan, ooha leeyahay’e
Adna aqal in wada seexataad kala eryeysaa’e
Aw maxamedoow taladu yey, oodan kaagagelin