Nin Jabsaday Sanduuqii Facebook-ga ee Mulkiilaha Mareegta Mark Zuckerberg

0
179

mark zurgNin Borogiraamar ah oo u dhashay dalka Falastiin ayaa jabsaday jabsaday mulkiilaha shabakadda Facebook Mark Zuckerberg sanduuqii uu ku lahaa isla shabakadaas.
Ninkan oo magiciisa la yidhaahdo Khalil Shreateh, ayaa fariin gaaban soo dhigay boga Mark Zuckerberg, kadib markuu jabsaday.
Khalil ayaa u yidhi fariinta gaaban, “Mudane Zuckerberg, waan ka xumahay in aan sanduuqaaqa jabsado oo aan fariin ku reebo bogaaga, laakiin waxaan waayay wax kale oo aan sameeyo markii warbixinaha aan usoo diray kooxda Facebook la iigasoo jawaabi waayay”.
Fariintan uu Khalil ku reebey boga Zuckerberg ayuu uga gun lahaa inuu la socod siiyo koodhadh ka mid ah kuwa uu ku dhisan yahay Facebook oo keeni kara in si sahlan loo jabsado.
Warbixinaha sidan oo kale ee ay dadka isticmaalaa soo gaadhsiiyaan ayuu Facebook ugu yaraan ku bixiyaa adduun gaadhaya $500 marka la xaqiijiyo, inkastoo aanu lahayn xadid ugu sareeya. Waxaanay mareegtu hore u shaacisay inay bixisay abaal marino gaadhaya ilaa $1 million.
Inkastoo, Facebook daqiiqado kadib ayuu lasoo xidhiidhay Khalil markuu soo dhigay fariinta, wakhtigaas oo uu si ku meel gaadh ah u xayireen sanduuqii uu ku lahaa mareegta, hadana wax abaal marin ah lama siin Khalil warbixinihii hore uu ugu gudbiyay ee qaarkood hor seedeen inuu mulkiilaha Mareegta ku jabsado sanduuqiisa.
Injineer ka socda Facebook oo lagu magacaabo Matt Jones, ayaa wakhti yar ka dib ka hadlay arrintan, waxaanu kusoo ururiyay in ayka mid tahay warbixinahani kumanaankii warbixinood ee maalin kasta soo gaadha, balse intaanay waxba bixin ay xaqiijiyaan.