Golaha Wakiiladdu ha is-waafajiyo siyaasadda Madaxweyne Siilaanyo ee Wadooyinka iyo Xeerka hor-yaala

0
102

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu sanadkan u asteeyay sanadka Horumarinta Wadooyinka waxaanu sidaas ku suntay siyaasadda Miisaaniyadda bbbbb2013-ka ee uu ugu talogalay in uu Dalka ku hago, isagoo dhamaan dhaqaalaha soo baxa muhiimada koowaad siiyay in qalab loogu soo Iibiyo Jidadka isla markaana la dhiso Wadooyin.

Madaxweyne Siilaanyo si uu sanadkan iyo Mustaqbalka soo socdaba Dalku u yeesho Qalab iyo Jidadba waxa uu soo saaray Digreeto uu ku caeeyay nidaamka loo marayo, taasoo u dhignayd sidan “Waa in Dakhliga Fuel Levy-ga, Road Levy-ga iyo Licence Levy-ga ay galaan Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, isla markaana Dakhliga Fuel Levy-ga ee 2013 loogu soo Iibiyaa qalab wadooyinka, laguna daraa qaybta Mashaariicda Horumarinta. sidoo kale, waa in kharashka daryeelka wadooyinka ka baxsan magaalooyinka mudnaan lasiiyaa Miisaaniyadda 2013.

Isagoo sii ambaqaadaya sida ay ku suurtgeli karaan Wadooyin tayo leh oo isku xidha Goboladda wxuxuu raaciyay “Si loo horumariyo wadooyinka, waa in wasaaradda Madaxtooyadda iyo wasaaradda Hawlaha Guud ay diyaariyaan qaab suurtogalinaya in wadooyinka halbawlaha ah la dhigo nidaamka Qaadhaanka lagaga uruuriyo wadooyinka (Toll Collection Fee), iyadoo wixii sharci nidaamiye ah loo gudbin doono Golayaasha sharci dejinta, wixii farsamo ahna loogu diyaarin doono sida ugu fiican.” Ayuu ku yidhi siyaasadda uu doonayo in uu Dalka ku hogaamiyo sanadkan.

Hadaba isagoo Wasiirka wasaaradda madaxtooyadda Somaliland ka duulayo fulinta siyaasadda Madaxweynaha Somaliland  maadaama Hay’adda Horumarinta wadooyinka isaga la hoos geeyay waxa uu dhawaan u gudbiyay Golaha wakiiladda Xeer-ka uu madaxweynuhu amray, kaasoo ay Golaha Wasiiraddu soo Ansixiyeen.

Xeerka Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali X Xasan uu u soo gudbiyay Golaha Wakiiladda oo lagu soo daray Ajandaha Kal-fadhigan ayaa ka duwan qorshihii Madaxweynuhu u qoondeeyay in wadooyinka lagu horumariyo, wallow aan wali Golaha loo qaybin hadana wararka ay saxaafadda qaarkeed heshay gaar ahaana Wargeysa Geeska Afrika ayaa sheegaya in Xeerku jidaynayo haddii la Ansixiyo in Cashuur dheeraad ah Xoolaha Noocyadiisa kala duwan loo saaro Horumarinta Wadooyinka.

Arrinta Xeerku jidaynayo ee ah in Cashuur la saaro Xoolaha ayaa abuurtay qaylo dhaan ah in culays baaxad lihi soo fuulayo Ganacsatada Xoolaha isla markaana ay ka go’I doonto sida caadada ah Dadweynaha Reer Somaliland ee Reer Miyiga ah maadaama mar kasta oo ay Xukuumaddu Cashuur ku kordhiso Ganacsatada ay iyaguna saaraan uun Dadweynaha.

Hadaba si ay Dadweynaha iyo Dalkaba ugu suurtoglaan wadooyin wax ka bedela Horumarka Dalka isla markaana looga midho dhaliyo Hamiga Madaxweynaha Somaliland waa in Golaha Wakiiladdu is-waafajiyaan qaabka Madaxweynuhu wax u doonayo oo ah in qaab Nidaam qaadhaan ah loogu Ururiyo waxa afka qalaad loo yaqaano (Toll Collection Fee) sida ku xusan Digreetadiisa iyo qaabaka uu Wasiirka Madaxtooyaddu wax u doonayo oo la qaataa kolba ka u fudud bulshada.