SHIR-WAYNAHA BEESHA SHARAFTA LEH “SACAD MUUSE”

0
106

indexAniga oo ka jawaabaya hadalkii Boqor Buur-Madaw ee uu kula teliyey beesha Sacad Muuse in aynaan ka doodin  loolanka Muuse Biixi iyo Cabdulcaziiz Samaale, ayaa waxa aan Jeclaan lahaa in Boqorku uu is waydiiyo in Shirkii Habar-Jeclo waxyaabii ka mid ahaa ajandayaashiisa  ee kaw ka ahaa ee lagu fuliyey go’aan na lagaga gaadhey oo lagu kala saarey labadii nin ee waqtigaa u hanqal taagayey madaxnimada dalka kuwaas oo kala ahaa Sulaiman Mohammoud Aden iyo Ahmed mohd Mohammoud.

Sidaas darteed Anigu waxa aan qabaa in kala saarida laba tartame ee kala ah MUUSE iyo SAMAALE ay mudnaanta kobaad ka noqoto  isla markaana madasha shirka oo maanta ay wada joogaan intii beesha godo iyo debedba joogta ay isku arkayaan, taas oo ah fursad aan la ogayn sida loo heli doono wakhti kale.

Tan kale aniga oo ixtiraam weyn u haya Boqor Cusmaan Buur-Madaw, haddii arintu tahay in xisbiga loo dhaafo kala saarida labada nine e ku tartamaaya madaxnimada;  waxa is waydiin leh miyaan chairman ka Xisbigu haatan ahayn Muuse Biixi. Then by default the future  presidential candidate should be  Muse Bihi.

Waxa aan hubaa in Xisbiga Kulmiye uu si degan oo uu qadarinaayo talada dalka ee uu hayo iyo sharafta uu ku leeyahay ummada reer Somaliland. Oo aanuu ku kicidoonin talaabooyin buburisa Xisbiga una soo jiida sharaf dac ku yimaada.

Sida aan u dareensanahay in Mudane Madaxwayne Siilaanyo uu yahay nin ruug caddaa ah  oo aanay ka suuro gelayn in aanu ku talinany wax cawaaqib xumo uu keeni kara jiritaanka Xisbiga.

Waxa kale oo tusaale mudan in Xisbiga Kulmiye ay ogyihiin sidii uu u babaay  xisbigii UDUB. ( oo ah  Isha Cumar ka lalada).

Udhaah Carabi ah baa tidhaahda عند الإمتحان يكرم المرؤ أو يهان    Waxa aynu ognahay in Cabdulaziiz samaale uu hayo masuuliyad aad u Culus oo soo ban dhigi karta wax qabadkiisa iyo hufnaantiisa

Aniga oo taas aan kor ku xusay ka shidaal qaadanaaya ayaa  waxa jiray :

Salaan Carrabay oo kala joojinaya laba reer oo is dilaaya, labada reer midkood ahaan na kodob ka tirsanaya ayaa waxa uu yidhi:

Waa intaan mid ka ciidmi oo kakaleeto u ciidmi ee talaw colka jooja

Alle ayaa Mahad leh.

 

Qore: A. Xuseen-Turub.