Mahadhooyinka Kacdoonadii Q: 9aad.

0
107
mahadooyinkaBalse marka  aynu tusaale u soo qaadano yurub, waxa ka dhacay kacaano is xigxigay, wixii ka dambeeyeyna xaaladu wey is bedeshay sida haatan muuqata, hase yeeshee xukunadii boqortooyadaa ahaa qaar baa mudo dheer haatan sii jiray, waxase lagu guulaysan waayey in la is hor taago isbedeladii dhinaca bulshada iyo dhaqaalaha, gaar ahaana kacaankii wershadaha iyo faafitaankii dimuqraadiyada.Waxaynu se ognahay is bedeladaasi Yurub umay horseedin mustaqbal aan dhibaato lahayn, mana haboona caalamka carabtu inay ku wada daydaan dhamaan waxaa soo maray Yurub, waxaase cad inaanu mustaqbalka dhawi ahayn mid mid wada aamin ah.

Hadaba maxaa keenay in xukunka laga tuuro madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loosoo doortay ee wadanka Masar?

Si aynu arintaa uga jawaabno waxaynu ku sababayn karaynaa sadex arimood oo kala ah

-Cilmaaniyada oo ku fog dadka reer Masar.

Sanadii 1926-dii ayuu kamaal Ataatoork riday dawladii khilaafadii cusmaniyiinta, taasina waxay cadho iyo jahawareer ka dhalisay caalamka islaamka, qaar ka mid ah culimada islaamka ayaana isku dayey inay ka hor tagaan arintaasim, waxaana ka mid ahaa ururkii dhalinyara muslimiinta oo lagu aasaasay magaalada Qaahira 1927-kii, sanad ka dibna sheekhii la odhan jiray Xasan Albanaa ayaa 1928-ki aasaasay ururka Ikhwaanu Muslimiinka ama muslimiinta Walaaloobay, sababaha loo aasaasayna waxa ka mid ahaa soo noolaynta khilaafadii islaamka iyo in shareecada Islaamka la dabaqo.

Hadaba ikhwaanku waxay ku guulaysteen inay Maxamed Mursi kadib markii ay galeen doorasho ay ku taageereen islamiyiinta dalka Masar, waxaana talada loo dhaariyey 30 kii June 2012-kii, hadaba maxaa keenay in isbedelkaa miyo sidaa fudud loo rido madaxweyne Mursi.

Cilmaaniyada ayaa ah mid ku xidaysatay dadka reer masar taasoo soo bilaabantay ilaa horaantii qarnigii 19aad, badhtamihii qarnigaa ayaanu ku dhawaaqay boqor Ismaacil Baasha in Masar ay ay tahay gobol ka mid ah Yurub, taasoo macnaheedu yahay Masar waxa ku waajib ah inay qaado dariiqii ay Yurub ku socotay wakhtigaasi

Horaantii qarnigii 20aad ayuu sidoo kale Daaha xuseen ku dhawaaqay in loo baahanyahay Masar inay raacdo xadaarada dalalka reer galbeedka macaankeeda iyo qadhaadhkeedaba hadii ay doonayso inay gaadho xadaarad iyo horumar,sidaasoo akalena waxa ku baaqay aqoonyanadii caanka ahaa ee Masar  sida Axmed ludfi, Ismaaciil Mudhir, Maxamed Xuseen haykali,Cabaas Maxamuud Al caqaad kaasoo ku adkaa manhajka siyaasada Ingiriiska.

Qodobka ugu weyn ee ay ragaasi ku baaqayeen wuxuu ahaa in diinta iyo dawlada la kala saaro iyo in tijaabada dalalka reer galbeedka la qaato si loo gaadho hore umar waara.

La soco……………………….