Faallada Todobaadka & Horyaalada Kubada Cagta ee Premier League Dalka Ingiriiska

0
125

premier leagueWaheen: Waxaan Akhristayaasha Wargeyska Todobaadlaha ee Waaheen ugu bashaaraynaynaa inaan Todobaad Walba marka ay wada dhacaan Dhamaan Ciyaaraha 20ka Kooxood ee Horyaalada wadamada Ingiriiska, Spaanishka & Talyaaniga aanu si gaar ah u faaqidi doonaa, Hadaba faaladeena Maanta waxaan ku eegi doonaa Todobaadkii ugu horeeyay ee Horyaalka ugu xiisaha badan qaarada Yurub ee premier League oo furmay Maalintii Sabtida, iyadoo ciyaartii ugu dambeysey la ciyaaray maalintii Isniinta.

Todobaadkan oo bar bilow u ahaa Dufcadii 22aad ee Horyaalka Ingiriiska ee tan iyo intii loo bixiyay magaca premier League, Horyaalkan ayaa caadi ahaan waxaa ku tartama 20 Kooxood, oo Todobaadkii kastaba la ciyaaro 10 Ciyaarood, Wiigan u horeeyay ee xili ciyaareedkan ayaa durba la soo calaamadiyaa waxyaabo badan oo la xusi karo, iyadoo xili ciyaareedkan lagu soo kordhiyay markii ugu horeysay Taariikhda Kubada Cagta Technology-ada Casriga ah ee Goal Line-ka loo yaqaan, taas oo si wanaagsan u shaqeysay kulankii ay wada yeesheen kooxaha Chelsea & Hull City oo Kubad aan xariiqa dhaafin balse la muudayey inay dhaaftay qabatay.

Wiigan ayaa waxa la ciyaaray Toban ciyaarood, wax baaqadayna ma jiraan, waxaana la kala badiyey 9 Ciyaarood, waxaana bar bar dhac ku dhamaaday hal kulan kaas oo ahaa kii dhex maray kooxaha Norwich & Everton, waxaana la kala dhaliyey 25 Gool, waxaana Shabagooda Goolal ka ilaaliyey Todoba Kooxood oo kala ah Man City, Liverpool, Chelsea, Tottenham, Fulham Southampton & West Ham.

Waxaana Daawashada ciyaaraha ka soo xaadiray Garoomada ay ka dhaceen ciyaarahan inka badan 368,692 Taageere, Waxaana la bixiyey laba Kaadh oo casaan ah oo ay kala qaateen koxoaha Arsenal & Newcastle, waxana la bixiyay 32 Kaadh oo Digniin ah.

Waxaana Todobaadkan soo muuqday waxyaabo aan la saadaalinayn oo ay ka mid tahay, Man United oo Sir Alex Ferguson la’aantiis wali wax garaaci karta, Arsenal oo ay ka jajaban tahay, kooxaha Tottenham & Liverpool oo noolaan kara Bale & Suarez la’aantood. Iyo kooxaha ku cusub xili ciyaareedkan oo dhamaantood guuldaro la kulmay.