David Villa oo Afka Furtay, muxuuse ka sheegay kooxdiisii hore ee Barcelona?

0
127

indexW.Wararka: Weeraryahanka Qaranka Spain ee David Villa ee dhawaan ku biiray kooxda Athletico Madrid, ka dib 3 sanadood oo degenaansho la’aan uu kala kulmay kooxda Barcelona, ayaa isaga tagay horaantii bishan heshiis qiimahiisu yahay 5 Milyan oo Euro oo ugu biiray kooxda Athletico Madrid.

Laacibkan heerka Caalami ayaa ayaa aaminsan in Awooda Barcelona aysan ahayn sida dadka qaar aaminsan yihiin, balse ay u nugul yihiin marka aysan kubada heysan wax kasta, Laacinka ayaa markii ugu horeysay waajahi doona kooxdiisii hore marka ay isaga hor yimaadaan koobka Supercopa de Espana.

Sidoo kale waxa uu laacibkani qarsan waayey ciilka uu qabo inuu mar uun ka hor yimaado kooxdiisii hore, isagoo carabka ku dhuftay inuu si wayn u dabaal dagi doono hadii uu gool ka dhaliyo. Waxanuu yidhi “Waxaan halkaas ku lahaa saaxiibo iyo xusuus badan seddexdii sano ee aan ku sugnaa, balse marka ay ciyaartu billaabanto waa cadowgayga, waxaan rajeynayaa in aan si buuxda u caawiyo kooxdeyda, markasta waan u debbaal-degaa goolasheyda, balse debbaal-deggu wuxuu noqon karaa mid ka duwan sidii hore marka aad gool ka dhaliso koox aad jeceshahay”.

Sidoo kale laacibka ayaa carabka ku dhuftay qaabka ay kooxdiisu ku waajihi doonta Barcelona waxanuu yidhi “Atletico waxa ay heli doontaa fursado badan oo ay ku badiso, laakiin si ay taasi u dhaco waa inaan wax walba sida ugu haboon u sameynaa, ma sameyn karno khaladaad, waa inaan si fiican u ciyaarno daafac ahaan, islamarkaana aan kubada heysano intii macquul ah, sababtoo ah waan ognahay in Barca ay rafaado marka aysan kubada heysan, ka dibna waxaan ka faa’ideysan doonaa fursadaheena weerarka.

“Haddii aad raadineyso cida ugu cadcad koobkaan waa Barcelona. Laakiin waa inaan taas ka dagaalano. Marka ay ciyaarta bilaabato waxaan leenahay fursad isku mid ah oo aan ku badin karno.

“Kaliya fiiri istaatistikada sannadihii u danbeysay, iyo sida ay ku bilowdeen horyaalka. Waa inaan raadino waxyaabaha inoo furan iyo sida aan u dhaawaci karno. Inaan qaadno koobkaan muhim weyn ayay inoo tahay anaga.” Ayuu laacibkani ku soo gabgabeeyay Waraysigiisa.

David Villa ayaa u ciyaaray kooxda Barcelona sadex sano, waxanuu u saftay 77 ciyaarood isaga oo u dhaliyey mudadaas  33 Gool.