Suuqa Ciyaar yahanada: Arsenal oo laga soo diiday Cabaye, Everton oo ku saydhisay Man United, Mourinho oo ka hadhi la Rooney.

0
64

suuqa ciyaartoygaW.Wararka: inka yar 12 Maalmood ayaa ka hadhsan markii albaabada loo laabi doono Suuqa ciyaar yahanada Xagaagan oo u muuqda midka xiiso & Xamaasad badan sanadadii hore, waxaana ugu sanqadh badan kooxaha Horyaalka Ingiriiska, inkastoo Kooxaha Faransiisku ay sanadkan kharash gareeyeen lacagaha ugu badan, marka loo eego heshiisyada gaar gaarka ah, iyadoo kooxaha PSG & Monoco ay sameeyeen Saxeexyadii ugu qaalisanaa iyagoo oo ku kala qaatay xidiga Cavani & Valco.

Waxaana ina badan Wargeysyada ka faalooda arimaha ciyaaraha Bogagooda hore kaga jira wararka ku saabsan Mustaqblaka ciyaaryahanda aduu aan cadadkeena manta guud mar ku samayno wararkii ay shalay qoreen Wargeysyada Ingiriiska ugu afka dheer, waxaa ka mid ahaa:

Kooxda Arsenal oo laga soo diiday dalab ay u dirsadeen kooxda Newcastle

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay dalab ka gudbisay xiddiga kooxda Newcastle Yohan Cabaye laga soo diiday, sida ay sheegayaan wararka soo baxaya Arsenal ayaa dalab 10 milyan ginni ah ka gudbisay ciyaaryahanka khadka dhexe Cabaye, laakiin Newcastle ayaa islamarkiiba soo diiday dalabka Arsenal.

Kooxda Everton ayaa xaqiijisay inay Man United ka soo diideen dalab wadajir ah oo ay ka soo gudbiyeen ciyaaryahanka khadka dhexe Maraoune Fellaini iyo Lieghton Baines. Macalinkii hore ee Everton David Moyes oo haatan tababare ka ah Man United ayaana labadiisii ciyaaryahan ee hore ku dalbaday dalab wadajir ah oo gaaraya 28 milyan ginni, laakiin waxaa soo diiday kooxda hore.

Chelsea ayaa u muuqata inay dalab kale ka gudbineyso xiddiga reer England Wayne Rooney ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga. Tababaraha Blues Jose Mourinho ayaan weli ka quusan saxiixa Rooney, wacadna ku maray inuu u dagaalami doono xitaa daqiiqada ugu danbeysa ee suuqa.

Sidoo kale Jariirada Daily Mirror ayaa sheegtay in kooxaha Tottenham  ay diyaar u tahay inay kula dagaalanto saxeexa laacibka  diirada u saarnaa Liverpool ee Willain ee koxoda ruushka ah ee Anszhi iyadoo wararku intaas ku darayaan in laacibkaas laga yaabaa inuu doorto kooxda  Tottenham, kuwaasoo isku diyaarinaya inay bixiyaan lacagta la duldhigay ciyaaryahanka ee oo gaadhaysa 26 milyan ginni.