Gaadhigaaga ma ku Maydhaydhi lahayd $150 kun

0
94

Dalka Scotland ayaa noqday dalka ugu qaalisan dhinaca  maydhista gawaadhida, waxaanay shirkad gaar ah oo maydha baabuurtu ay notay ta ugu qaalisan aduunka iyadoo marka kali ah ku maydhaysa baabuurkii qiime gaadhaya 100 kun gini, taasoo u dhiganta 150 kun oo Doolar, waxaanay shirkadu qiimahan ku sababaysay in qofka gaadhiga lihi uu la kulmayo nadiifin aanu waligii arag, islamarkaana aanu rumaysanayn. Arintana waxay soo jidatay maalqabeeno badan oo jeclaysatay maydhista shirkadan iyo qiimaha ay sheegatay, kuwaas oo haysta jinsiyado kala duwan.

Laakiin talaabadani waxay keentay inay hoos u dhacaan baabuurta loo keenayo si ay u nadiifiso, waxaanu sheegay maamulahu inay sanadkii nadiifiyaan sadex gaadhi oo kali ah.