Dabkastoo qabsada doonyahaas berbera dushuunbaa ka eegtaa’ caloow sidii dogobka xaabada’e

0
24

Waxaa maaanta(axad 18/08) illaa shalay dulleedka dakada magaalada Berbera ku shuf beelay markab uu lahaa nin ganacsadaa oo reer somaliland ah. Markabkan oo marka magaalada la soo galayo qiiqa ka soo baxaya daruuro la moodo waa kii labaad ee mudadii lagu soo celiyey mareeye calixoorxoor ku gubta dakada magaalada Berbera yadoo aan wax caawimo ah ka helin dakada magaaalada Berbera. Hadaba su’aashu waxay tahay meeye u diyaargorowgii ay ku dhawaaaqeen maamulka dekadu taas oo ay ku sheegeen in ay dekada u sameeyeen dabdamisyo ay masiibada sidan oo kalaa kaga hor tagayaan ? Mise tolow dabdamisyaasi waxay ahaayeen kuwii loogo talo galay guryaha markay gubtaan lagu bakhtiiyo kuwaas oo aan ku haboonayn in lagu bakhtiiyo markab bad dhexdeeda jooga

Waxaa Alle ha u naxariiistee uu saleeban faarax oo ahaa mareeye ka mid ah mareeyayaashii soo maray dekada Berbera uu suuro galiyey system lagu bakhtiinayo maraakiibta badda gudaheeda ku gubata qalabkaas oo ka koobnaa taaga dakada oo lagu xidhay qalab biyaha tuuraya illaa iyo shan boqol oo meter waxaa kaloo caawinayey laba iyo toban laash. Waxa kaloo uu hirgaliyey saleebaan faarax qasabado waawayn oo lagu xidhay meelo ay ka badkhtiin karaan maraakiibta dakada ku xidhan ee gubata. Hadaba su’aasha iswaydiinta leh waxay tahay qalabkaa taaga lagu rakibay iyo tuunbooyinkaa lacag aad u badan oo malaayiin ah baa ku baxday maxaa ku kalifay in mareeye cali xoor xoor markii lagu soo celiyey maamulka dekada uu u baabiiyey raadkaa raga ka horeeyey? Maxuuse ka helayaa waxyeelada soo gaadhaysa hantida umada reer somaliland?

Hadaba hantida ku dhex gubanaysa dekada dibadeedu ma aha mid ka duwan allaabta ku dhex gubanaysa dakada gudaheeda oo waayo labadu waa hantidii umada reer somaliland mana aha in si kala gaara loogu kala eexdo waayo taasi waxay meesha ka saaraysa kalsoonidii lagu qabay dekada magaalada Berbera taas oo aynu rajaynayno inay noqoto dekada geeska Africa ugu horaysa

Hadaba habayacsanaanta ka muuqata dekadu ma aha mid maanta billow ah, mana ah mid ay dadku garan la yihiin ee waa mid ay ugu wacan yihiin maamulkeeda oo cadaystay in lacagtii tunker dabdamisa loo soo siin lahaa kolba ku bixinaya sidii caruurta abdaal iyo Berbera joogta loo xidhxidhi lahaa Tvyadana lacagta u siinaya sidii ciyaalkaa la xidhxidhay looga soo dayn lahaa.

Hadaba maamulkaa dekada Berbera ee cadaystay in ay caloosha dadka ka shaqaysiyaan ee aan ogolayn in ay caqligooda iyo ta shaqaalahoodaba ka shaqaysiyaan dee waxaad tusaale ku qaadataan markabkaa idinku dul gubtay idinka oo ilkihiina ku daawanaya illayn lacagtii Taag dabdamiskaa loo soo siin lahaa ilkahiina ayaad ku dhamayseene

DABKASTOO QABSADA DOONYAHAAS  BERBERA

DUSHUUNBAA KA EEGTAAN SIDII DOGOBKA XAABADA’E

DAMBASKIISA WAA DAAWATAAN  MANA  DEMISAANE

DAREENKII FAYOOBA DADAAL KAMA YARASTEENE

         

 

 

Q/R: A/WAHAB MOHMUD  IBRAHIM