XULASHADA MASUULIYIINTA DAWLADDA‏

0
77

maqaalWaxa marar badan dhegeheenu maqleen iyadoo la leeyahay hebel ama heblaayo waxa loo magacaabay xil dawladeed kadib markii m/weynuhu ku qancay inuu xilkaas ku haboon yahay ama hanan karayo. Runtii warkaasi sidaa loo qoray had iyo jeer sax uma noqdo waayo waxay in badan markhaati ka nahay in masuul xil loo dhiibay uu muddo yar ka dib uu xilkii sidii la rabay u gudan ama wadi kari waayo! Hadaba waa yaabe xagay salaadu ka xidhmi laadahay?

Wadankeena Somaliland markaan usoo noqdo, baadhis dheer ka dib waxaan ogaaday in marka horeba masuulka xilka loo magacaabayo aan si taxadir leh looga fiirsan oon la eegin in masuulkani uu aqoon ama waayo aragnimo dheer u leeyahay xilkan loo igmaday. Sida inta badan dhacdana masuuliyiinta la magacaabayo waxa loo eegaa xaga qabiilkiisa iyo hadba sida uu saaxiib ama isku afkaar ula yahay qaar ka mid madaxda sare ee dawladda.

Tusaale hadaynu usoo qaadano wasaaradda hawlaha guud, wasaaradani waa wasaarad farsamo waxaana haboon in masuuliyinta sare ee wasaaradan loo soo magacaabayaa ay noqdaan qaar aqoon farsamo leh oo hawlaha ay wasaaradu qabato si fiican u garanaya ama u fahamsan. Sidaas oo kale waxa la mid ah wasaaradda caafimaadka oo loo baahan yahay in masuuliyiinta loo magacaabayaa noqdaan qaar aqoon caafimaad leh.

Tusaale qosol leh oo mawduucan ku saabsan hadaynu xusno, waqtigii dawladihii hore ee Somalia ayaa wasiir loo magacaabay wasaaradda gaashaandhiga, masuulkani wax aqoon ama waaya aragnimo uma laha hawlaha milatariga, ka dibna waxa dhacday inuu safar ugu baxay Italy si usoo eego hubka kala duwan ee dalkaasi sameeyo, intuu booqashada ku jiray ee la tusayey noocyada hubka ee la lahaa kana waxaasaa ka dhaca kana waxanaa ka dhaca ayaa uu arkay booyad meel taala kadibna wuxuu dadkii weydiiyey “ oo tana imisaa ka dhaca?”

 

Sidaa daradeed waxaan kula dardaarmayaa madaxda soo xula ee magacaaba masuuliyiinta dawladu inay ka fiirsadaan oo qof waliba meesha uu ku wanaagsan yahay ee uu aqoon ama waaya aranimo u leeyahay la geeyo, haddii kale haka filanina in qof si khaldan loo magaabay aad war farxad leh ka maqashaan.

 

Qore;

Eng.Maxamed Nuur Aaye

Borama.