Xukumada Siillanyo oo Xabsiga dhigtay Qaar ka Mid ah Qoysaskii Mujahidiintii SNM oo Banaanbax cabasho ah la hortay Madaxtooyada.

0
94

66Hargeysa(Waaheen)Ciidanka Booliska ee Somaliland ayaa Maanta Xabsiga dhigay qaar ka mid ah qoysaskii dhalay mujaahidiintii SNM  ee  ku geeriyooday Xorayntii Dalka.

Dadkan Ciidamadu xidh-xidheen  ayaa u badnaa Haween kuwaasi oo ka cabanayey  dhibaatoyin haysta oo la soo darsay oo dhinca Nolosha ah iyaga oo sheegay in Xukumada madaxweyne Siilanyo hore ugu balan qaaday in ay wax u qaban doonto haweenkaasi dhallay mujaahidiintii SNM iyo caruurtii ay ka tageenba oo ku daranyeeysan dalka gudihiisa.

Haweenkan ayaa is hortubay Madaxtooyada horteeda kuwaasi oo sitay Boodhan ay ku xardhanayeen Siillanyo Balanqaadkii aad noo balanqay in aad wax noo qabanayso ka dhabee, mise sidaasi ayaad nagu ilawaday.

Intaasi ka bacdi waxa goobtii soo gaabadhay Ciidamo Boolis ah kuwaasi oo dhamman Dumarkii Goobta ku sugnaa Xabsiga u Taxaabay, iyada oo aan illaa hada la garanynin Meel la geyey.

63777Xukumada Madaxweyne Siillanyo ayaa Ololihii Doorashada ee 2010 Ku Gashay in ay wax u qabandoonto Dadkii ay ka baxeen Mujaahidiintii SNM ee ku dhintay iyaga oo dalka Xoraynaya, balse muddo 3Sanno ka Dib waxa Hal bacad lagu lisay noqotay Balanqaadka Siillanyo uu Balanqaday ee ahaa in uu wax u qabanayo Agoontii SNM, isaga waxa uu u qabto iska daaye uu Xadhig iyo Hagardaamo ugu daray, Waxaanu Siillanyo uu ahaa Guddomiyihii ugu mudada dheera ee SNM oo wax caad ahi aanu ka sarnayn halgankii adkaa ee dadkaasi ku dhinteen.