WASIIRKA DUULISTA IYO HAWADA OO SHEEGEY IN MADAARKA HARGEYSA AANU WAXBA KU KORDHIN BALSE KABKABEY MARKA UU LEEYAHEY DIYAARADAU MA FADHIISAN KARAAN MACNAHU SOW MAAHAN IN AANU WAXBA KU KORDHIN EE UU LACAGTII LUNSADEY?‏

0
29
maqaalUgu  horeyn  waxaan  salaamayaa  bahda  saxaafada  somaliland waxaan  idinleeyahey  salaama  caleykum wa  raxmatullahi.
 Ka  dib  waxaa  mudo  la  sugaayey  in  la  dhameystiro  garoonka  diyaaradaha  hargeysa, oo waxii  ugu  weynaa  ee laga  sugaayey  ay  aheyd  in  dib  u  dhis  iyo  awooda  RUN-WAYGA, diyaaradaha  laga  dhigo  mid  caalami  ah  oo  diyaarad  kastaa  fadhiisan  karto, marka  la  eego  haamaha  shidaalka  iyo  xooga  ama  adekysiga  dhabaha  diyaaraduhu  ka  haadaan.
Hadaba  maanta  ama  shaley  oo  bishu  ku  beegnayd 17- 08- 2013.  ayaa  la  furey,  waxaa  wax  lala  yaabo  ah  hadalkii  ka  soo  yeedhey  wasiirka  duulista  iyo  hawada, in  uu  afkiisa  ka  sheegey  in  aan  diyaaradaha  standerka  ahi  fadhiisan  karin  madaarka  hargeysa, su’aashu  waxaa  weeyey  maxaa  hadaa  madaarka  loo  xidhey  mudada  sanadka   ah?
Waxaa  ayaan  daro  ah  in  wasiirku  madaarka  ku  soo  kordhiyey  rinjiyeyn  iyo  kakabid, lacagtiina  meel  ay  jaan  iyo  cidhib  dhigtey  aan  la  aqoon,  saxibayaal  madaarka  hargeysa  umma  baahan  run way  dheer  sababtoo  ah  wuu  leeyahey  mid  ay  diyaaradu  ku  qaboojiso  xawaaraheeda  balse  waxa  uu  u  baahnaa  in  la  dhigo   run  way  Adag  oo  culeyska  diyaaradaha  iska  xejinkara  balse  hadalkii  wasiirka  afkiisa  ka  soo  yeedhey  waa  mid  aan  waxaba  soo  kordhin,waxaaney  u  eegtahey  in  lacagtii  dowladii  kuwayt  bixisey  loo  samaystey  magac  lagu  lunsadey.
Waxaa  been  noqotey  waxaan  dhiseynaa  madaar, waxaa  cadaatey  lunsiga  hantidii  deeqda  aheyd  ee  Dalka  kuweyt  inoogu  deedey.
Aad  ayaan  uga  xumey  in  wasiirada  xukumada  siilaanyo  ay  hantidii  ummada  iska  xalaaleystaan  oon cidba  heey  odhan.
wasiirka  maaliyada  , wasiirka  duulista  hawada,  wasiirka  madaxtooyada,  madaxweyne  hala  xisaabiyo  oo  hanti  dhowrka  ha  loo  diro,  hadii  kale  adigaa  laftaadaa  raali  ka  ah  musuqmaasuqa  iyo  xalaaleysiga  hantida  ummada.
W/Q/:  Tahir hussein (xumaandiid).
Email: waayo_aragman@yahoo.com