AAFO QARAN OO QORSHE LOO HAYN W/Q: Mubarik Abdillahi Ibrahim (Daljir)

0
134

000Ummad kasta oo adduunkan ku uuman waxa ku gedaaman caqabado ay ku taamayaan inay mar uun ka talaabsadaan xal waarana u helaan. Waxa aynu maqalnaa maalin walbana warbaahinta kala duwani inoo soo tebisaa doorashooyin dunida ka dhacay oo xisbiyo ku guulaysteen inay waddan hoggaamiyaan qaar kalena ku guul darraysteen. Waxa kale oo aynu maqalnaa waddamo badan oo muddaharaaddo, qas iyo qalalaase ka taaganyahay. Sababta ugu  weyn ee arrimahani u dhacayaan inkastoo qaar kalena jiri karayaan, waa in dadku helaan talada waddankana u gardaadshaan hadba cidda ay filayaan inay sida ugu qumman wax uga qaban karto dhibaatooyinka ku xeeran bulshadaas.Ummadda Somaliland ku dhaqani kama duwana bulshooyinka aynu soo tibaaxnay oo waxa ay wajahayaan dhibaatooyin mid waliba u baahantahay xalkeeda iyo xigmaddeeda.

Iyadoo aanay jirin ilaa hadda cid si cilmiyeysan caqlina ku dheehanyahay uga fekertay dhibaatooyinka ummaddan haysta iyo sida loo kala hormayn karo ama u kala mudan yihiin, haddana waxa jira qaar cid waliba marag ka tahay muranna aanu ka taagnayn. Qaadku waxa uu ka mid yahay haaddii aanu ta 1-aad ba ahayn aafooyinka ummaddan curyaamiyey ee curdin dhadhiyey cid wal oo caqli fayow ku fekeraysana sida cadceedda ugu muuqda. Waxa uu curyaamiyey hagar daamo iyo hadimana dhaxalsiiyey dhinacyada kala duwan ee nolosha sida dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada iyo diinta. Bal aynu mid mid u dul istaagno.

Dhaqaaluhu waa tiir dhexaadka nolosha aadamaha marka uu dhantaalmana dhaawac culus ayaa ummaddaas soo gaadha. Si aynu isula fahanno dhaqaalaha innagaga baxa qaadka bal aynu min-qiyaas samaysanno. Bulshada Somaliland ku nool waxa lagu qiyaasaa 3.5 million (saddex milyan iyo badh). Kasoo qaad inay qaadka cunaan 1 milyan (hal milyan) oo qof. Haddii cel-celis ahaan qof waliba $1 dollar (hal doolar) kharash gareeyo maalintii, wadarta guud ee maalintii qaadka lagu kharash gareeyaa waa $1million (hal milyan) oo doolar. Bishii waa $30,000,000 million (soddon milyan) oo doolar, sannadkiina waa $360,000,000 million (saddex boqol iyo lixdan milyan) oo doolar. Waa lacag saddex jeer ka badan misaaniyadda ay dowladda dhexe ku shaqayso sannadkii, waddankana lagu maamulo. Lacagtaasi badiba waddanka debadda ayey uga baxdaa marka laga reebo inta yar ee suuqa dhex wareegta (money circulation) iyadoo lacag adag ah (hard currency) una gudubtaa waddan aynu jaarka nahay ee Itoobiya. Ma jiro ganacsi wax ku ool ah oo innaga dhankeenna ka taga una gudba waddanka Itoobiya (Export) si aynu usoo ceshanno lacagta xaddiga badan ee innagaga baxda qaadka (win-win trade). Taas waxa ay macneheedu tahay waddankeenna waxa ku socda qulqul hantiyeed (capital flight) oo halis ku ah dhaqalaheenna;

Dhinaca siyaasadda bal aynu eegno. Siyaasaddu waxa ay jaan goysaa hab nololeedka bulshada waana dariiqa ay ummadi ku xaqiijiso himilada nololeed ee hayaanka ugu jiraan. Hadba waxa hoggaanka u qabta cidda ay ummadu masiirkeeda ku aaminto, ciddaas ayaana dejisa, wax ka beddesha isla mar ahaantaana fulisa. Dadkaas talada ummadda hagayaa waa dadka lagu magacaabo siyaasiyiinta. Haddaba innaga siyaasiyiinteenna 80% waa dad isticmaala maandooriyaha qaadka walow aanu jirin tiro koob dhabi. Maadama qaadku maandooriye yahay, su’aashu waxa ay tahay qof maandooriye isticmaalay oo maskaxdiisu beddalan tahay ma dejin karaa ama fulin karaa siyaasad caafimaad qabta oo ummaadda ku hagta una hoggaamisa himilooyinka ay higsanayaan? Jawaabtu waa maya sida ay caddeyeen culimada caafimaadku. Markaa waxa la odhan karaa siyaasaddeennu waa mid mirqaansan oo aan innagu hagaynin dariiq la mahadiyo oo mustaqbalka loo aayo maadama dad mirqaansani dejiyeen ama hagayaan.

Dhinaca arrimaha bulshada haddii aynu eegno, ma yara dhibaatooyinka uu qaadku dhaxalsiiyey bulshadeenna. Diinteenna iyo dhaqankeenuba waxa ay jideeyeen in ninku ka masuul yahay qoyska noloshiisa. Rag badani waa ay gabeen masuuliyaddan ka dib markii balwadda qaadku jiidatay, waxaana ay awoodi waayeen inay masaariifta reerka daboolaan qoskana ka war hayaan sababo badan oo qaadku keenay dartood. Qaadku waxa uu sidoo kale dhaawacaa raganimada macnawiga ah.  Qodobadaas iyo qaar kale oo badani waxa ay sababaan burburka qoyska. Dhinaca kale waxa aynu la soconaa in cudurka dhimirku bulshadeenna aad ugu badan yahay. Sida ay caddeeyeen khubarada caafimaadku, qaadku waa mid mid ka mida maandooriyeyaasha sababa cudurka dhimirka maadaama uu keeno hurdo la’aan, isla markaana ay ku jiraan maadooyin suna oo khatar ku caafimaadku.

Haddii aynu dhuganno dhinaca diinta iyo saamaynta qaadka, waxa aynu odhan karnaa qaadku waxa uu dhaawac weyn u geystaa cibaadada iyo dhinacyada kale ee diinta. Qofku marka uu qaadka u fadhiyo aad bay ugu adagtahay inuu  oogo salaadda, marka uu seexdana inuu salaad u kaco hadalkeeda daa. Qaadku waxa uu dhawacaa shararta iyo karaamada qofka isaga oo ku kallifa qofka inuu been sheego, ballanta ka baxo, iwm. Kuma soo wada koobi karno halkan saamaynta dhinaca diinta ee culimadu caddeeyeen, laakiin waa marag ma doon cid waliba qiri karto inuu qaadku saamayn taban ku leeyahay diinta.

Maadaama qaadku ina gayeysiiyey dhibaatooyinka kala duwan ee aynu kor ku soo xusnay iyo qaar kale oo aynaan xusinba, waxa aynu ku tilmaami karnaa aafo qaran. Marka ay umadi waajahayso aafo qaran waxa lagama maarmaan ah in gurmad la sameeyo oo xal kama dambaysna la raadiyo. Arrinta cajiibka ahi waxa ay tahay marka hogaamiyeyaasha dowladdu ka hadlayaan dhibaatooyinka qarankan hor yaal, way yartahay inaad aragto cid aafadan xusaysa si dhabana u taabanaysa. Marka xisbiyadu doorashada u tartamayaan kuma darsadaan barnaamijyada ay dadka codka kaga doonayaan wax ka qabashada aafada qaadka. Guntii iyo gebagebadii si loo gaadho mustaqbal ku dhisan horumar, jiil ka caafimaad qaba maandooriyaha qaadka iyo ummad la tartami karta bulshooyinka qayrkeedka ah, waa in qaadka kaalmaha hore lagaga daraa liiska aafooyinka ama dhibaatooyinka waddankan haysta, isla markaana laga fekeraa qorshe wakhtiga dheera oo lagu joojinayo qaadka si aynu uga samato baxno dhibaatooyinka xaddiga badan ee uu qaadku ina dhaxalsiiyey.

 

Mubarik Abdillahi Ibrahim (Daljir)

Msc in Development Economics Candidate