Shirka Beesha Sacad Muuse oo Berri ka furmi doona Degmadda Agabar ee Gabilay

0
136

07Agabar(Waaheen) Odayaasha iyo dhalinyarada Reer Agabar ee fidiyay go’gosha shirka beesha Sacad Muuse oo si rasmi ah u furmi doona 18 ka bishan Augost ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay lix iyo toban Suldaan iyo guddida qaban qaabada Madal ay si fiican uga shaqeeyeen oo ku taala Duleedka Barri ee magaaladda Agabar goobtaas oo dhinaca ku haysa Dugsi balaadhan oo xarun iyo Hoy u noqon doona Ergooyinka.

Odayaasha Reer Agabar oo labadii bilood ee u danbeeyay ku hawlanaa martigelinta iyo gogosha shirka ayaa doraad goobta shirka lagu qabanayo ku wareejiyay salaadiinta waxaanay sheegeen goobtani in ay tahay Goob ku haboon oo xili Roobaadkan laga suurtogelin karo in shirka lagu qabto.

Salaadiin ay ka mid ahaayeen Suldaan Ismaaciil Suldaan Diiriye, Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub, Suldaan Xiis Barre, Suldaan Jaamac, Suldaan Sabaysa iyo Salaadiinta kale ee goob jooga ahaa ayaa Reer Agabar uga mahadnaqay madasha ay u diyaariyeen shirka Sacad Muuse, waxaanay ka guddoomeen madhashaasi iyagoo ku wareejiyay maamulka iyo agabaynta goobtaba Guddida qaban qaabada.

Guddida qaban qaabada oo labadii maalmood ee ugu danbeeyay ku sugnaa Agabar ayaa balanqaaday labada cisho ee ka hadhay  shirka in goobta ay u dhamaystiri doonaan qalabka looga baahan yahay, iyagoo shegay wakhtigii loogu talogalay in ay ku qabanayaan shirka.

Suldaan Xiis Barre oo ka mid ah Salaadiinta lagu wareejiyay madasha ayaa yidhi  “Ugu horayn Ilaaha tawfiiqda iyo heshiiska iyo aqbalka inagu kulmiyey ee aynu taaganahay iyada oo ay Agabar  madasha shirka beelaha Sacad Muuse u cayinayd imikana   aanu arkayno goobtii oo hortayada lagu oodayo oo ay inamadii ay ka shaqaynayaan oo ay  marag ma doon tahay, isla markaana  noo muuqato. Waxa kale oo aanu Ilaahay ugu mahad naqaynaa Agaasimaneey, Agaasiman Maalbaa la yidhi oo anigu barigii hore Geeljire ayaan ahaan jiroo woxogaa ayaan ka aqaanaa oo waxaan leeyahay waxa halkan nagaga soo horeeyey Tolkayo oo amarkayagii qaatey oo hawshii baaxadeeda qabatay oo isa sii abaabuley oo noo sii joogsaday goobtii uu shirku ka qabsoomayey oo cidkasta oo ka qaybqaadatey arintaasi waanu uga mahadnaqaynaa oo waxaan leeyahay waa Abaal ay beel-waynta Sacad Muuse idiin hayso meelkasta oo ay joogtaba”. Suldaanku Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Heestii Geelle waxaan ka soo qaadanayaa anaguna midh baanu lahayn, Nirgo Dayr Cad ah oo duqii dhalay oo dir qaydar ah dalaan-daliyaay buu yidhi ninkii, kol hadii anaga oo Salaadiintiinii iyo Odayaashiinii ah aad nala daba-gasheen  caqliga iyo muruqana Ilaahay ayaanu ku mahadinaynaa. Intaa dabadeed ma badna oo way inoo dhantahay oo waa goobtii iyo arinkii oo dhan oo waxaanu ku wareejinaynaa anaguna guddidii qaban-qaabada ee hawshaa dhamaystirkeeda iyo isku duba ridkeeda aynu u igmanay ee aynu wax walba ka sheegnay Ilaahay inta hadhay ha ku xiltiro ayaanu leenahay”.

Waxa kale oo isaguna halkaas ka hadlay Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub, isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Waxaanu halkan kaga guddoomaynaa guddidii Shirka Agabar ee sida wanaagsan hawsha u waday ee sida fiican anagana noo qaabishay, isla markaana na soo dhawaysay dhulka ama goobta shirka beeshu ka qabsoomayo,  waxa kale oo aanu u mahadnaqaynaa dhamaan cidkasta oo iska xilsaaray arintan, waxaananu anaga oo uga mahadnaqayna ka gudoomaynaa. Ka salaadiin ahaan waxa aanu doonaynaa oo aanu bulshadda u sheegaynaa inaanu doonayno in Shirka beeshu uu Agabar ka dhaco oo waliba uu wakhtigii loogu talo-galay uu ku dhaco”.

Dhinaca kale waxa isaguna halkaas ka hadlay Xoghayaha gudida qaban-qaabadda shirka beelwaynta Sacad Muuse ee degmadda Agabar ka qabsoomi doono Axmed Muxumed Cumar, kaas oo doorka guddidooda ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Kolay hadalka intiisii waa la dhamaayey laakiin waxaan uun anigu halka uga mahadnaqayaa madaxda iyo shacbiga reer Agabar ee sida wanaagsan noogu soo dhaweeyey halkan oo iyagu gacan libaaxle ka qaatay hawshan. Mida kale maaha markii ugu horaysay ee aanu halkan nimaadno mana ah markii ugu danbaysay ee aanu halkan imano Insha Allaahu oo waanu wada joogi  doonaa oo hawshani waa bilaw, waxaana la inooga baahan yahay inaynu masuulada hawshan wada qaadno dhamaanteen oo masuuliyadu waxay ka mid tahay waxyaabaha uu Ilaahay ummadiisa ku Imtixaanay oo dhulka iyo samada ayuu Ilaahay ku imtixaanoo wuu diiday oo waxa ogolaaday Aadamaha oo iskaga sugan ayuu Ilaahay yidhi garasho la’aan oo aqbalay culayska masuuliyada, waxaananu Ilaahay ka baryeynaa inaanu inagu ceebaynin Maalinta Qiyaame Amaanada aynu qaadnay”. Axmed Muxumed isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Mida kale shirka waad la socoteen oo qaban-qaabadiisu marxalado badan ayey soo martey, maantana waxa uu marayaa marxalad ah halkii lagu qabanlahaa shirkaas oo aad ayaanu  ugu  mahadnaqaynaa reer Agabar goobtan quruxda badan ee ay u dooreen shirka beelwaynta Sacad Muuse, mida kale waxa balan ah siaqaban-qaabadu u socoto in shirku uu 18-ka bisha uu halkan Insha Allaah si rasmi ah uga furmi doono” ayuu yidhi

Ugu danbayn waxa halkaas ka hadlay Salaadiin, Odayaasha degmadda Agabar iyo waxgarad kale oo goobtaas ku subnaa, waxaanay dhamaantood soo dhaweeyeen sida ay u socoto hawsha qaban-qaabada shirwaynaha beelaha waqooyiga iyo galbeedka Hargeysa ee Sacad Muuse.

Salaadiinta iyo guddida ayaa isla doraad ba ku soo laabtay Hargeysa iyagoo qaadaya Agabkii shirka isla markaana waxay sheegen JIMCAHA in ay si toos ah ugu guurayaan AGABAR ilaa dhamaadka shirka.

Roob aan kala go lahayn oo maansheeyay Gobolka Maroodi-jeex ayaa si weyn u haya magaaladda Agabar oo ah DOOXALAY ay ku teedsan yihiin Buuro SILSILAD ah kuwaas oo ku shaqlan magaaladda isla markaana soo saaray goobta shirku ka dhici doono.