MO FARAX iyo Guushiisa DOUBLE DOUBLE

0
88

Waaheen (London)- Ordyahanka ingiriska ah ee dhalashadiisu tahay Somaliland oo ku gulaystay biladdaha dahabka ee 10,000 iyo 5000 ee mitir.  Guusha uu gaadhay Mo Farax ayaa ah mid aan beryahan cidi gaadhin oo markii u dambaysay ahayd markii uu

Aad bay markii hore ugu caansanaa orodka 5000 hase yeeshee wakhti bay ku qaatay inuu ku guulaysto ka 10,000 oo markii u dambaysa 2 sanadood ka  hor u kaga guulaystay Ibrahim Jelani oo ah Ethiopian.  Balse ciyaarihii Olympika ee London ka dhacay ayuu si wanaagsan ugu guulaystay.  Sanadkan Moscow waxa si lexaad leh ugu daba jiray isla Ibrahim Jelani oo ilaa daqiiqadihii ugu dambeeyey ku daba jiray.
Qofka keliya ee abid ku guulaystay 5000 iyo 10000 waxa weeye orodyahanka Ethiopianka ee Kenenisa Bekele.  Waxayna sida ay sheegeen dadka ciyaaraha lo socdaa ka dhigayaan Mo Farax orodyahanada aduunka ugu caansan.
Dhinaca dalka Ingiriska Mo Farax wuxuu noqday ciyaaryahankii Britishka ahaa ee weligee gaadhay darajada 5 biladood oo dahab ah.  Ciyaaryahanka ugu dhow wuxuu helay 3 biladood oo dahab ah.
Guushan uu gaadhay Mo Farax waxa kale oo ka dhigaysaa ciyaaryahan Somali ah oo heerkaa gaadha. Orodyahanna hore oo Somali ah oo qaar ay matilayeen dalka Djibouti ayaa midkiiba helay 1 biladood oo dahab ah balse weligeed may soo marin nin isagu 5 biladood hela.