Waqtiga iyo waayahay dhalinyarrada W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi

0
267

Waxa hubaal ah in waqtigu uu yahay shayga keliya ee nolosha aadamaha kala meeleeya, isla mar ahaantaana raad kaga taga noloshooda, waana dariiqada keliya ee isbedel ku abuurta nolosha waayo hadba waqtiga aad joogtaa waa mid ka gedisan waqtiga kale ee ku soo mari doona, taasina waa mid aanad melaysan karin isbedelka iyo raadka aad la kulmi doonto.
Waqtiga waxa in badan lagu qeexaa kolba aaminta aad joogto ee ka mid ka ah daqiiqadaha noloshaada, taasina waa mid noqon karta dhiillo iyo samaan mid uun oo maaha markasta in aad hesho sida ay wax kugu qorsheysan yihiin ama ay kugu yaalaan. Ileen qalin kuna waa meele.
Hadaba maxsuulada ka soo baxa waqtiga isla mar ahaantaan raadadkeeda aad aragto ayaa lagu magacaaba waayaha nolosha, waana raad inta badan qofba si u soo mara. Waxa hubaal ah in qof weliba inta uu noloshiisa kaga sugan yahay ay u tahay mid uu inta badan ku waajaho wayihiisa nololeed dhinacay doonanba ha lahadeene.
Si kale hadaynu u dhigno marinada nolosha intooda ugu dareenka badan ama kugu wajiga adag ayaa alaaba ay dadku ku tilmaamaan waayahooda nololeed iyagoo ugu jeeda ama micno ahaan u dhigaya “in noloshoodii ay la kowsatay waxaan qorshahooda ugu jirin oo ay waqtiga ka dhexleen”
Hadaba isbedelada noleed ee uu waqtigu unkaa waa mid intabadan aad u aafaysa waaxyaha qaaliga ah ee nolosha aadamaha, isla markaana ah xubnaha ugu fir-fircoon ee ay bulsho ku faanto.
Dhalinyaradu waa ubaxa keliya ee uu isbedelka waqtigu taabto iyagoo ka eray-dhabanaya waayuhu wato iyo waddoyiinkuu la marayo oo ah kuwo surmooyin cidhiidhaya leh.
Waxaa dhacda in inbadan oo da’yarteena kamid ahi ay yihiin kuwo waqtigu uu yahay mid kaga tagay waayyo xun, taasina waa mid ay ka dhalatay in da’yar badan qaarkood ay naftoodiiba u wayeen sidii ay waqtigaas iyo waayahaas uga gudbi lahayeen.
Ma noqtay mid sidii ay rabeen ka dhigteen, waa la odhan kara isbedel baa ku yimid ah dhinicii deegaanka waayo waxaanu aaminsanahay in dageenka oo la gedistaa ay tahay horumar iyo isbedel ku yimid shaqsiyaadkaa laakinse ogow in markasta oo aad deegaan-gedisato uu yahay mid waxaan habooneyn aad ka dhaxli karto degaankaas aad doorbiday weliba adigoon is lahayn.
Maanta waa mid aan la koobi karin tirada ubax uu waddan lahaa uu ku hoobtay bad-weynta Mediterranean sea taasoo u dhaxaysa jasiiradaha taliyaaniga iyo liibiya halkaasna laga sameeyo wareeg lagu tago waddamada Scandinavian ka ah.
Waxay inbadan oo da’yartaasi noloshooda ugu biimeeyaan meelahan halista ah sidii ay u bedeli lahayeen waqtigooda iyo weliba waayahooga nololeed.
Hadaba waxa isweydiin mudan su’aal muhiim ah oo ah; – Ma waqtiga iyo waayaha qofka wax ka bedela, mise qofkaa wax ka bedala?
Waxaan aaminsanahay in waqtiga aad ka dhigan karto sidaad rabto adigoo u karaya waddo haboon oo aad ku doonayso hadafyadaada nololeed sidii aad u rumeyn lahayd waayo ILLAAHAY ma hoojiyo nolosha adoonkiisa haddii uu ka faa’iideysto ilaa aad adigu isbedesho mooye.
Waxaan qaba in waqtigaaga aad ka dhigan karto mid markasta waayihiisu uu yahay waddooyin lagu soo hirto oo wax ku ool ah, waayo intaad waqtigaaga dayacdo ayuu wayihiisuna yahay mid kakan oo weji adag leh oo “waatii hore loo yidhi ninkaan waalidkii edbin waqtigaa edbiya “
Ujeedada maahmaahdani waa mid ku qotonta in hadii waqtigaagu uu yahay mid aad ku bixiso waxaan habooneyn oo aan anfac kuu lahayn uu yahay mid waayihiisuna uu noqon doono mid ku bara casharo aad kaga qoomameyso waqtigii aad lumisay.
Ma filayo in waqtigu uu isbedel ku abuuro nolosha qofka haddii aad tahay qof kagaga faa’iideystay sidii habooneyd, ma filayo in haddii waqtigaaga aad bakheyl ku noqoto uu kugu waabi karo meel waaqla ah.
Ha aaminin in waqti iyo waayihiisa oo kugu kaknaaday ay noloshuba tahay, ee iskuday in waqtigaaga aad ka dhigi karto waayaha aad rabto in noloshaada aad ku qaadato, waayo rajada ALLE waa mid aan ka quus-sasho lahayn.
“Haddii aad weydo waxaad rabtay maaha in aad weyday nolosha, haddiise aad weyday rajo waxay ka dhigan tahay inaad weyday noloshaadii.”
Email: ridwaan_99@hotmail.com