Shir muhiim ah oo xildhibaan ku qaban doono Stockholm‏

0
108
SHIR MUHIIM AH
 
Iyada oo ay madax badan oo ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland socdaal
ku marayaan dalal ka mid ah Yurub, si ay u xogwaraystaan xaaladda
dhabtaa ah ee ay ku sugan yihiin jaaliyaddaha Somaliland ee dalka
dibeddiisa ku sugan, islamarkaasna warbixin ka siiyaan xaaladda guud
ee dalkii hooyo, ayaa waxaa waddamadan waqooyiga Yurub bookhasho ku
jooga,  Xildhibaan Naasir Xaaji Cali oo ka tirsan Golaha Wakiillada,
 
Waxaa haddaba, la ogeysiinayaa dhammaan dadweynaha ku nool Stockholm
iyo nawaaxigeeda, inuu Xildhibaan Naasir Xaaji Cali, uu Shir muhiim ah
u qaban doono jaaliyadda Stockhom maalinta khamiista ah ee bishan
August 22, 2013 ay tahay, saacaddu marka ay tahay: 1700 - 20.00.
Meeshuna waa guriga dadweynaha (folket hus) ee Rinkeby.
 
Iyada oo Xildhibaanka iyo jaaliyaddu ay wax badan oo dhinaca
dimuquraadiyadda iyo xaaladda dalka ay iska waraysan doonaaan, ha
moogaan, hana ka maqnaan.
 
Salaan qiiyo iyo qaayo weyn
Axmed Cabdillahi Cawaale
Guddoomiyaha laantaa Waddani
Sweden