Dufacadii 22aad ee Horyaalka Premier League oo Maanta Bilaabmaysa, Xili loogu wanqalay Sanadkii Tababarayaasha

0
66
new titleW.Wararka: Waxaa Maanta si rasmi ah uga bilaabmi doona Dufcadii 22aad
ee Horyaalka Ingiriiska ee tan iyo intii loo bixiyay magaca premier
League oo la bilaabay sanadkii 1888kii oo mudo dheer la sugayay, ka
dib fasax dheer oo dib uga soo laabtay 20 Kooxood ayaa ku tartami
doona xili ciyaareedka 2013/14.
Horyaalka Dalka Ingiriiska ee Premier League ayaa ka mid ah horyaalada
Kubada cagta Dunida ugu xiisaha badan, iyadoo ay sanadkan ay ka qayb
qaadan doonaan 100 ciyaar yahan oo Ajaanib ah.
waxaanuu u muuqda mid ka xiiso badan kuwii ka horeeyay, iyadoo
sanadkan loogu wanqalay kii Tabarayaasha iyadoo looga jeeda in
Sanadkan ay is badaleen tababarayaasashii ugu badnaa hal xili
ciyaareed, sidoo kale waa markii ugu horeysay tan iyo 1986dii
horyaalka Ingariiska ee kooxda Difaacanaysa ay ku bilaabanayso iyadoo
ay ka maqan yahay Sir Alex Ferguson oo ciyaaraha ka fariistay
dhamaadkii xilli ciyaareedka hore, David Moyes oo Asal ahaan Ferguson
ay isku magaalo ka soo jeedaan ayaa ku fadhiisan doona Kursiga uu
baneeyay waxaana uu ku bilaabanaya kulanka manta tijaabo adag oo uu
safri doono Swansea City.
Waxyaabaha kale oo aan xusida mudan waa Tababaraha caanka ah ee Jose
Mourinho oo dib ugu soo laabtay Horyaalka, iyadoo lagu xasuuto
Horyaalladii uu u qaaday sanadihii 2004-2005 iyo 2005-2006.
Waxyaabaha kale ee Horyaalka Ingiriiska dhadhanka u sii yeelaya waxaa
ka mid ah wejiyada cusub ee ku soo biiray iyadoo kooxda Manchester
City ay noqotay kooxdii ugu badneyd ee lacag ku kharash gareysa suuqa
(90 Milyan oo Gini), waxaana ay soo iibsatay xiddigo caan ah oo kala
ah; Fernandinho, Alvaro Negredo, Jesus Navas iyo Stefan Jovetic, sidoo
kale iyadoo keensatay Macalin rug cadaa Laatin America ka socda.
Kooxaha Arsenal oo kaalinta 4-aad ku dhamaysatay Horyaalka xilli
ciyaareedkii hore wax badan iskama beddelin xaaladeeda inkastoo ay
markan sheegeyso in ay Jeebka gacanta gelin doonto oo ay la soo
wareegi doonto laacibiin waaweyn haddana weli gacanteeda waxba ma soo
gelin, dhanka kale haddii aan eegno kooxaha isbeddelka sameeyay xilli
ciyaareedkan waxaa ka mid ah Tottenham oo xilli ciyaareedkii hore
kaalinta 5-aad ka gashay, iyadoo la shir iman doonta timid Roberto
Soldado, Nasir Chadli iyo Paulinho kuwaasoo dhamaantood ah xiddigo
culus.
 
LiverpoolvStoke
ArsenalvAston Villa
NorwichvEverton
SunderlandvFulham
West BromvSouthampton
West HamvCardiff
SwanseavMan Utd
Axad:
Crystal PalacevTottenham
ChelseavHull
Isniin:
Man CityvNewcastle