Wasiirka Ganacsiga iyo Guddoomiyaha Kulmiye oo Isbaaro u dhigay Amar uu Wasiirka Arrimaha guduhu ku bedelay Gdoomiyaha Degmada AGABAR

0
104

Hargeysa(Waaheen) Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamed C/laahi Cumar iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in ay wadaan olole ay ku baajinayaan guddoomiyaha degmadda Agabar Axmed Yuusuf Jaamac Axmed-Adeero oo uu wasiirka mmmmwasaaradda Arrimah gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade bedelay shalay, isla markaana ay ahayd in uu manta xilka tiriyo balse sida wararka hordhaca ahi sheegayaan diiday amarka bedelaada.

Diidmada guddoomiyaha degmadu diiday ayay wararku sheegayaan waxa sabab u ah wasiirka ganacsiga iyo muuse biixi oo diidan, kuwaas oo ku gor-gortamaya awooda maamulka shirka sacad muuse kaasoo ay ku kala aragti duwan yihiin qaar ka mid ah golaha wasiiradda gaar ahaana wasiirada Maaliyadda iyo Wershadaha.

Sida waaheen ay u xaiijiyeen qaar ka mid ah Madax dhaqameeda Beesha Sacad Muuse oo ku sugnaa AGABAR waxa ay sheegeen in Badhasaabka Gobolka GABILAY Yuusuf Ibraahim Geedi oo saaka u tagay si uu xilka ugu kala wareejiyo labada masuul ee midna la magacaabay ka kalana la eryay uu diiday guddoomiyaha la eryay isla markaana uu ka soo noqday isaga oo aan fulin amarkii wasiirka arriamah gudaha.

Dhinaca kale, warar kale ayaa sheegaya in Badhasaabka Gobolka gabilay xilkii ka qaaday Guddoomiyihii AGABAR, kadib markii uu u gudbiyay qoraalka xil ka qaadistiisa oo uu ku saxeexnaa Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Lama oga ilaa hada halka ay marayso arrintan khilaafka ah ee ka aloosan AGABAR ee u dhaxeeya Wasiirka GANACSIGA iyo Guddoomiyaha Kulmiye oo isku dhinac ah iyo Wasiirka arrimaha gudaha hase yeeshee waxay u muuqataa in ay talaabadan ay qaadeen Wasiirka GANACSIGA iyo Muuse BIIXI tahay mid ay kaga aargudanayaan xukuumadda dhacdadii Gabilay lagaga hor istaagay Wasiirka Ganacsigu in uu shirk u qabsado Hoolka Dawladda Hoose.

Si kasta ha ahaatee khilaafka xoogan eek a dhaxeeyay masuuliyiinta xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE ayaan wali saldhigin, iyadoo la filayo in loolan xoogani ku dhex maro kala hororsashada awooda shirka beesha sacad Muuse.