Wasiirka Arimaha Gudaha oo Golayaasha Deeganka ugu baaqay in ay iska Jiran Wixii Khilaafyada dhexdooda

0
111

tn_20130813014444Hargeysa(Waaheen) Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somaliland Cali Maxamed (Waran Cade) ayaa ugu baaqay Golayaasha Deeganka dalka in ay iska jiraan wixii khilaaf dhexdooda ka abuuraya, isaga oo sheegay in loo bahan yahay in dadweynaha Somaliland loo shaqeeyo, waxa kale oo uu ku dhawaaqay in Bisha Soo socota ay bilaamayso Ololihii lagu hagaajinayey Bilicda Magaalooyinka Somaliland.

Siddasi waxa uu ku sheegay mar uu warbaahinta Faahfaahin ka siinayey Kulan dhex maray Isaga iyo Maayirada kala duwan ee Magaalooyinka Somaliland, kulankaasi oo ka dhacay xarunta Wasarada Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa Ugu horeyn faahfaahin ka bixiyey qorshaha  la xidhiidh Qurxinta iyo wanaajinta bilicda magaalooyinka dalka, waxaanu yidhi “Waxaanu la shirnay maayaradii magaalooyinka dalka oo aanu ka wada hadalnayn hawsha dib u habaynta bilicda magaaloyinka, waxaanu u sheegaynaa  dadweynaha reer Somaliland iyo ganacsatadaba  in la bilaabi doono ololaha dib u habaynta bilicda magaaloyinka Somaliland bisha soo socota kowdeeda, waxaanan dadweynaha ka codsanaynaa inay u diyaar garoobaan sidii wakhtigaa loo bilaabi lahaa dib u hagaajinta bilicda, iyada oo ay wada shaqayn doonaan dadweynaha hawsha ka qayb galaya iyo dawladaha hoose ee magaalooyinka dalka.” ayuu yidhi .

Dhanka kale  Wasiirka Arrimaha Gudaha waxa kale oo uu ka hadlay Khilaafadka ka dhex dhasha Golayaasha Deeganka ee dalka isaga oo ugu baaqay in ay iska jiraan wixii khilaaf ah, oo ay u shaqeeyan dadkii soo doortay waxanu yidhi. “Waxaan jecelahay inaan halkan ka sheego waxyaabaha i soo gaadhaya ee ay ka mida tahay in dawladaha hoose uu ka imanayo muran badan oo aad moodo inuu tartan ka dhex jiro, waxaan u soo jeedinayaa dhamaan xildhibaanada, maayarada iyo cid kasta oo ay masuuliyad saaran tahay  inay xurguftooda dib u dhigaan oo ay bishan u diyaar garoobaan sidii magaaloyinka horu markooda looga shaqayn lahaa iyo sidii bulshada idin soo dooratay u tusi lahaydeen inaydaan dalka u soo shaqo tagin balse aad u shaqaynaysaan,  sidaas awgeed nin walba waxa lagu qiimayn doonaa sida uu  uga qayb qaato ololahan, mudadaa ay hawluhu socdaana waxaan farayaa inay si wanaagsan oo walaaltinimo ah u wada shaqeeyaan wixii khilaafana ay dib u dhigtaan.” wasiirka arimaha gudaha Somaliland.

Waxa kale oo intaasi raaciyey. “iyada oo  aanu doonayno in magaalooyinka waaweyn ee leh laamiyada in aynu dib u habayn ku samayno oo bilicdooda iyo qurxintooda aynu dib u bilawno, iyada oo aynu ka duulayno  wixii aynu qabsan karno oo ay ka mid taha inaynu bilicdeena hagaajisano, xashiisha inaynu iska xaadhno, iyo wax kasta oo aynu awoodi karno inaynu qabsano wixii aynu ka maarmi waynana aynu aduunka la kaashano”.Ayuu yidhi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland waxa kale oo la waydiiyey Khilaaf dhex maray Maayirka Magaalada Gabiley iyo wasiirka Ganacsiga Maxmaed C/laahi Cumar, khilafkaasi oo sababay in wasiirka loo diido hoolka shirarka ee Gabiley, wasiirka oo arrintaasi ka hadlayan waxa uu yidhi “Runtii waan u yeedhay maayirkii markii aan maqlay, arrintaasi waxay ii sheegen in ay iska dhamaatay, oo in yar oo is afgaran waa ahi ka yimid oo uu ahaa, lakiin waxa dhibaato ah oo sidaasi weyini ma jirto isaga iyo wasiirkuna way is arkeen markiiba, marka waa arrin la dhameyey.”Ayuu yidhi.

Wasiirka ayaa waxa la waydiiyey in shaqadan uu ku dhex jira ay tahay tii Dawlada hoose,  oo uu faro galin ku hayo dawladihii hoose ee la soo doortay oo qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalku ku dhaliileen arrintaasi uu ku kacay ayaa  waxa uu kaga jawaabay siddan. “Anigu Golayaasha Deeganka Kaman maqal arrintasi ee lakiin waxaan ka maqlay nin ka mid ah dadka siyaasada doonaya in ay ka qaybgalaan, lakiin waa nin jaahil ka ah siyaasada oo aan garanayn hawsha wasarada, ninkaasina nin ucid ka tirsan ayuu ahaa, dee aniguna waxaan u malaynayaa in uu wax u dhiman yihiin, anigu dadkan aan la hadlayo dawlada hoose  ma ah oo dawladaha hoose iyaga shaqada leh, ee cidda aan la hadlayaa waa dadweynaha.”