Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo laga xidhay Hoolka shirarka Golaha Deegaanka iyo dufaanada siyaasadeed ee sita

0
98

Maayarka oo ku xidhay inaanu ogayn ujeedada uu u socdo wasiirku, kuna af-gobaadsaday inaanu usoo sheegin

SAMSUNG DIGITAL CAMERAGabilay (Waaheen) Maayarka Gabilay ayaa maanta ka hor istaagay Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland in uu kulan ku qabsado Hoolka ay ku leeyihiin xaruntooda Magaaladda Gabilay, halkaas oo uu Wasiirku booqday saaka.

Lama oga sababta rasmiga ah ee masuuliyiintaasi wasiirka uga xidheen Hoolka Shirarka loogu talo galay in ay ku qabsadaan, hase yeeshee ilo wareedyo Waaheen uga waramay dhacdooyinkan ayaa sheegay in aanay ka war haynin socdaalka Wasiirka iyo Ujeedada kulan uu doonayay in uu ku qabsado toona.

Wasiirka Ganasciga waxa uu ku horeeyay Hoolka Golaha Deegaanka Gabilay, hase yeeshee Maayarka ayaa sheegay in aanau la soo socdsiin isla markaana aanay fursad u haynin ee ay ku mashquulsan yihiin Hawl maalmeedkoodii shaqo, sidaas darteedna aanay kulankaasi ugu suurtogelin Karin in ay ugu qabtaan Hoolkooda.

Sidoo kale, Maayarku waxa uu Wasiirka u bandhigay sida la sheegay in aanu ka war hayn shaqo qaran oo wasiirku u socdo, isla markaana ay Xukuumaddu ku soo war gelisay oo uu Gobolka ka qabanayo, taas darteedna uu u cuskaday in uu ka hor joogsado Qorshaha uu watay.

Ilo wareedyo safarka iyo Kulanka Wasiirka u dhuun daloolay ayaa Waaheen u sheegay wasiirku in uu doonayay in uu kula kulmo Gobolka Gabilay dad qurbajoog ah oo ka soo jeeda Gobolka oo beryahanba ku sugnaa Dalka, kuwaas oo uu Casuauamad u fidiyay.

Hase yeeshee, Ilo wareedyo kale ayaa sheegaya in xafiiltan siyaasadeed oo ka dhex taagan Siyaasiyiin ka mid ah Xukuumadda darteed wasiirka Ganacsigu u tagay Gobolka Gabilay, iyadoo ilo wareedyadaasi sheegeen in dhawaan Wasiirku diiday in uu ka qayb galo kulan Wasiiro ka soo jeeda Gobolka Gabilay iyo Xildhibaano ka tirsan Golayaasha kale Qurbajooga Casho sharaf ugu sameeyeen Hotelka Maan-soor ee Hargeysa taasoo uu kalidii ka maqnaa.

Sidoo kale, Wasiir Maxamed C/laahi oo la filayay in uu salaadii Ciidal Fidriga la soo tukado Reer Gabilaya ayaan ka mid ahayn siyaasiyiinta Gobolkaasai xukuumadda kaga jira oo la ciiday gaar ahaana Wasiirka Maaliyadda C/casiis Samaae iyo Wasiirka Wershadaha Abiib Diiriye Nuur.

Warka ayaa intaa ku daraya in dad joogay barxada Golaha Deegaanka Hargeysa ku dhawaaqeen Erayo ku lidi ah qorshaha Wasiirku ku soo booqday Gabilay, iyagoo ku dhaliilay in aanu qiimaynin Gobolka oo uu Wasiir u yahay isla markaana aan u jajabnayan wax ka qabashada tabashooyinka Beesha uu ka soo jeedo iyo Guud ahaanba Gobolka oo uu u metelo Xukuumadda, waxaanay muujinayeen in booqashada Wasiirku aanay saamayn ku lahayn danahooda.

Wasiir Maxamed C/laahi waxa uu markii danbe qorshihii uu watay ula guuray dhianaca Jaamacadda Timacade ee magaaladda Gabilay oo ku taala duleedka Waqooyi, halkaas oo uu ku qabtay kulankii uu la lahaa kooxdii uu Casuumay, iyadoo ay kala qayb galeen qaar ka mid ah madax dhaqameedka Gobolka Gabilay, halka aanay ka soo xaadirin cid sheegata Xil xukuumadeed.

Arrimahn isku biirsaday Wasiir Maxamed C/laahi iyo Xilkii dhawaan laga wareejiyay ee wasaaradda Arrimaha Dibedu waxay muujinayaan in uu ka xidhiidh furtay Geediga Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu sadexdii sano ee ugu horeeyay ka ahaa jilayaasha ugu miisaanka culus isagoo wakhtigaasi safari uu dibeda uga maqnaa dartood aanu siyaasiyan ka dhismin beesha uu ka soo jeedo iyo silsilada kale ee golaha uu ka tirsan yahay.

Sidoo kale, socdaalkiisa Gabilay iyo saaxadda siyaasadeed ee uu ka sii lusho ayaa loo aanaynayaa xulafaysi siyaasadeed oo uu wasiirku ku hawlan yahay, kuwaas oo uu la kala leeyahay Guddoomiyaha Xisbul xaakimka Kulmiye oo aan dhinaca Xukuumadda aad looga soo dhaweyn iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah oo in dhawaale la isku tirinayay balse ay soo shaac baxday xafladii Xil wareejinta Wasiir Maxamed C/laahi taasoo uu Feysal Cali Waraabe si lama filaan ah Xukuumadda uga dhex weeraray kadib markii si aan la filanayn Mikirifoonka loogu dhiibay, maalmaahaas oo ay ku beegnayd xilli Feysal iyo Xukuumadda uu Wasiirku ka soo jeedaa Fiintu kala dhex miranaysay.

Dhacdooyinka kale ee muujinaya in dabayshu sidato isla markaana cadaynaya inaanu Wasiir Maxamed C/laahi ku sii negaan doonin labada sano ee hadhay golaha Xukuumadda wax aka mid ah dhacdo in hoosta uu ka xariiqo u baahan, taasoo ah ka wareejintii laga wareejiyay dhaqaalaha ka soo baxa Haamaha Shiidaalka Berbera oo ahayd Isha kali ah ee ay jaf jafan jireen masuuliyiinta Wasaaradda Gaanacsigu.

Dhaqaalaha Haamaha Shiidaalka oo sadexdii sano ee u danbeeyay mari jiray Wasaaradda Ganacsiga isla markaana laga maamuli jiray Madaxtooyadda ayaa  Madaxweyne Siilaanyo Digreeto ku soo saaray in lagu shubo Qasnada Dawladda, halka culayskii Maamul lagu reebay wasiir maxamed C/laahi.

Isku soo wada duuboo Loolanka Siyaasadeed ee ka dhex jira siyaasiyiinta Xukuumadda  gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Gabilay waa mid muuqda  isla markaana la filanyo in uu si dhakhso ah u soo af-meermo, iyadoo la garbin doono kooxda ka soo horjeeda geedi socodka Siyaasadeed ee hogaanka Madaxweyne Siilaanyo iyo inta la fikirka ahba.