Mashruuca Dib-u-Dhiskii Madaarka Ee Isku Bedelay Indho Sarcaadkii uu Dhigi Jiray Hindigii Reer Hargeysa ee Cismaan Beenaale Ma Siilaanyo ayaa Xadhiga Ka Jari Doona Mise Xirsi?

0
113

suudiMudo laba sano ku dhawaad ah ayuu xidhnaa madaarka hargeysa waxaana umada loo sheegay markii hore in la balaadhinayo garoonka dayuuradaha ee hargeysa oo la kordhinayo ranwayga ama dhabaha ay dayuuraduhu ku soo degaan kana haadaan si ay garoonka u soo fadhiistaan ugana haadaan dayuuradaha waaweyn ee aan markii hore soo fadhiisan jirin.

Garoonka dayuuradaha ee hargeysa ranwaygiisa ama dhabaha ay dayuuraduhu ka haadaan waxaa uu cabirkiisu dhan yahay laba kun iyo afar boqol oo mitir oo u dhiganta laba kiiloo mitir iyo afar boqol oo mitir waxaana umada loo sheegay in ranwayga hargeysa uu noqon doono mid ku dhaw dhabaha dayuuradaha ee berbera oo uu cabirkiisu dhan yahay shan kun oo mitir waxaana dadweynaha loo sheegay in lacagta ku baxaysa kordhinta ranwayga ee hargeysa ay bixisay dawlada kuweyt lacagtaasi oo dhameyd 13,000,000,00 $ saddex iyo toban milyan oo doolar.

Akhristow hadaba waxaad is weydiisaa maxaa laga qabtay ama lagu kordhiyay madaarkii hargeysa ee xidhnaa mudadaa aynu soo sheegnay,laguma kordhin ranwayga xataa hal mitir oo kaliya mudadaa aynu soo sheegnay wixii la wadayna waxay ahayd in la kabkabo ama la buuxbuuxiyo meelihii googa’ay oo kaliya sadex iyo tobankii milyan ee ay bixisay dawlada kuweydna waxay noqotay laba qaydhin ku qaybsatay bisayl iskuma cawrido.

Hadaba si uu wasiirka duulista hawadu maxamuud xaashi cabdi umada indho sarcaad ugu dhigo todobaadyadii aynu ka soo gudubnay oo dhan wuxuu kulamo gar gaar ah la qaadanayay masuuliyiinta shirkadaha dayuuradaha isagoo ka dalbaday arin aan caqli gal ahayn oo ahayd in dayuuradaha waaweyni ay isticmaalaan garoonka dayuuradaha ee hargeysa marka la furo waxayse masuuliyiinta shirkadaha dayuuraduhu wasiirka ku war geliyeen in dalabkiisu uusan suurto gal ahayn inkasta oo ay iyaguba jeclaayeen isticmaalka garoonak dayuuradaha ee hargeysa oo dayuuradaha waaweyni ay fadhiisan karaan oo kaliya dhabaha dayuuraduhu ay ka duulaan ama ay ka soo dagaan marka uu cabirkiisu yahay ugu yaraan sadex kun oo mitir iyo wax ka badan,marka uu dayuurada culeyskeedu dhan yahay oo ay sido rakaabka iyo shandadahoodaba.

Waxaanu mar labaad wasiirku duulista hawadu ka codsaday masuuliyiinta shirkadaha dayuuradaha inay dhimaan rarka ama culeyska dayuuradaha waaweyn si ay ugu suurto gali karto inay soo fadhiistaan ama ka haadaan garoonka dayuuradaha ee hargeysa oo tusaale ahaan dayuurada qaada labada boqol ee qof ee rakaabka ah iyo shandadahooda ay ku qaadaan ama ay ka dhigaan boqol iyo sodon qof oo rakaab ah iyo shandadahooda ama ay qaadaan labada boqol ee qof ee rakaabka ah ba ee dayuurada loogu talo galay oo aan wax shandado ah aan sidan shandadaha rakaabkaan marka in mudo ah la ururiyaba laga dhigo flyt- gaar ah oo dadka iyo shandadahoodu ay kala hadhaan.

Hadaba masuuliyiinta shirkadaha dayuuraduhu waxay wasiirka duulista hawada maxamuud xaashi cabdi u cadeeyeen in codsiyadiisan is daba jooga ahi ay yihiin kuwo aanay dani ugu jirin iyaga iyo rakaabka macbiisha u ah midnaba  balse uu xaalkiisu yahay wasiirka ilahay ceebtiina ha asturee tayda astura.

Hadaba waxaa la sheegay in la furaya garoonka hargeysa maalinta khamiista ee ay bishu tahay 15/ogos,2023-ka iyado oo aan ranwaygii ama dhabihii dayuuradaha ee hargeysa wax kale iska daayoo aan hal mitir lagu darin waxaana xafladan arda fishalka ah lagu soo marti qaaday masuuliyiinta shirkadaha dahuuradaha iyo qaar ka mid ah masuuuliyiinta qaranka iyo ganacsato heerkoodu kala duwan yahay, waxayna dadweynuhu is weydiinayaan tolow wasiirka duulista hawadu xadhig ka jarista mashruucan fashilan ma wuxuu kula gal galan doonaa siilaanyo iyo xirsi mise isagaaba maqaska u qaadan doona oo odhan doona aniga ha I fadhido.

Su’aasha kale ee is weydiina u baahani waxay tahay in uu wasiirka duulista hawadu xadhig ka jarista madaarka soo dedejiyo waxaa sababtay markii todobaadkii hore uu madaxweyne siilaanyo kormeer kadis ah oo aanu ogeyn wasiirka duulsitu uu ku tegay madaarka hargeysa?, su’aasha labaad ee markiba maskaxdaada ku soo dhacaysaana waxay tahay waatii hore loo yidhi gal dad liq ah ul baa la iskaga dayaaye.talow madaxwene siilaanyo ma wuxuu iska hubsanaayey in mashruucan indho sarcaadka ahi uu yahay mid uu maqaska u qaadan karayo iyo in kale su’aashan wajaabteeduna waxaan kaga gudbayaa nin weyn oo sahan tegay wixii uu arkay wuu og yahay.

Markaa kadibna waxaan xasuustay qisadan soo socota wixii ka horeeyay sanadkii 1980-kii waxaa magaalada hargeysa joogi jiray nin ay dhalashadiisu ahayd hindi basle ahaan jiray reer hargeysihii asalka ahaa oo la odhan jiray cismaan beenaale waxaanu beerta xoriyada ee hargeysa iyo tiyaatarkii hargeysaba ku soo bandhigi jiray indho sarcaad mucjiso ahaa oo uu lacag badan uu dadka kaga urursan jiray.

Hadii aan idiin sheegi qisooyinkii layaabka lahaa ee uu indho sarcaadkiisa ku soo bandhigi jiray waxaa ka mid ahaa marka uu masraxa isa soo taago wuxuu afkiisa ka soo jiidi jiray tun ay ku taxan yihiin mikiinadaha gadhka la iskaga xiiro waxaanu tuntaa jiidi jiray mudo dheer oo ay dadkuna daawanayaan waxayna makiinadahaasi mar marka qaarkood gaadhi jireen ku dhawaad kun makiinadood oo uu u qaybin jiray daawadayaasha goobta fadhiya,makiinadahaasi wixii lagu gooyo inta goobta la fadhiyo way goynayaan oo waa makiinado si caadi ah u shaqaynaya hadii se goobta lag baxo waxay isku bedeli jireen waraaq yar yar oo cadaan ah.

 

Hadaba isku soo wada duuduuboo Mashruuca Dib-u-Dhiskii Madaarka Ee Isku Bedelay Indho Sarcaadkii uu Dhigi Jiray Hindigii Reer Hargeysa ee Cismaan Beenaale Ma Siilaanyo ayaa Xadhiga Ka Jari Doona Mise Xirsi?

Qalinkii:C/risaaq Suudi nuur

Tel: 4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland