Madaxwayne siilaanyo oo Xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Hay’adda Qurba-jooga Somaliland iyo sababaha keenay

0
49

Xafladii Qurbajooga oo abuurtay Khilaafka xil ka qaadistiisa iyo sidii looga baajiyay Istiqaalad uu damacsanaa

qauHargeysa (Waaheen) Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-1963/082013 uu xilkii kaga qaaday Gudoomiyihii Hore ee Hay’adda Qurba-jooga Somaliland, Mudane, Maxamuud Cabdiraxmaan Cali.

waxaanu madaxweynuhu yidhi:-

Waxaan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Gudoomiyaha Hay’adda Qurba-jooga Jamhuuriyada Somaliland.
Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay si ku meel gaadh ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane, Maxamed Biixi Yoonis, inta aan cid kale u soo magacaabayo.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Dhinaca kale, warar dheeraad ah oo la xidhiidha Xil ka qaadista Guddoomiyihii Hay’adda Qurba jooga ayaa sheegaya in khilaafka sababay xil ka qaadistiisu ka dhalatay khilaaf soo taxnaa xafladii Qurba jooga ee Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisu Hotelka Maan soor taasoo aan waxba lagala socodsiin halka uu sanadadii hore isagu maamuli jiray.

Gudoomiyaha la eryay ayaa la sheegay in uu aad uga cadhooday qaabka loo maamulay Xafladaasi, waxaanu ku sigtay Aroornimadii in uu Istiqaalad u qoro Madaxweyne Siilaanyo kadib markii uu ku Eedeeyay xubno ka tirsan Xukuumadda in ay kala wareegeen xilkiisii balse waxa la sheegay in la sasabay.

Guddoomiyaha la eryay ayaa Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi aan ka amar qaadan jirin, isagoo iska dhaga mariyay digniino laga siiyay talaabooyin uu ku faragaliyay nidaamka Maamul ee Jaaliyadda Dibeda oo ka madax banaan nidaamaka Xukuumadda, taasoo abuurtay khilaaf mucaaradad xoog leh xukuumadda kaga kicisay Imaaaraadka iyo Ingiriiska oo ay ku nool yihiin Qurba jooga taageera Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Si kasta ha ahaatee waa masuulkii labaad eek a soo jeeda Qoyska Madaxweyne Siilaanyo ee xafiiskaasi laga qaado, iyadoo Madaxweynuhu kii ka horeeyay sidan oo kale xilka uga qaaday kadib markii uu la saftay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo wakhtigaas khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha.