Puntland oo ka faa’iidaysanaysa Lacag Somaliland dayacday

0
91

so pu16 Milyan oo Dollar ayuu midawga Yurub ku caawiyay Farroole, halka Somaliland ka baab’isay Hay’addi SRA ee dhaqaalahaas qaadan lahayd

Garowe(Waaheen) Midawga Yurub ayaa Maamulka Puntland ku caawiyay dhaqaale gaadhaya Lix iyo toban Milyan oo Doolar oo wax lagaga qabanayo dhismaha Wadooyinka magaalooyinka maamul Goboleedka Puntland, wadooyinkaas oo dhismayaashooda dhawaan la bilaabayo.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka duufaanada siyaasadeed ku kacsan yihiin ayaa qudbadii Ciidal Fidriga ugu qudbadeeyay shacabkiisa in ay midawga Yurub ka heleen lacag gaadhaysa lix iyo toban Milyan oo Jidadka wax lagaga qabanayo, taasoo ahayd Beerlaxawsi Doorashada Madaxtinimada uu ugu ololaynayay.

Khubaro iyo ganacsato xidhiidh la lahayd Mashaariicda Midawga Yurub Somaliland ka fulin jiray gaar ahaana dhinaca Wadooyinka ayaa Waaheen u sheegay in midawga Yurub dhaqaalahaas siiyay Puntland, isla markaana shirkadahooda loo soo bandhigay in ay ka qayb qaataan qandaraasyada lagu bixino jidadkaasi.

Mid ka mid ah khubarada qanadaraaslayaasha ah ayaa Waaheen u sheegay dhaqaalaha Puntland la siinayo in uu yahay kii Midawga Yurub hore ugu balanqaaday in uu ku dhisayo jidka Berbera Corridor, kaasoo aan ilaa hada la bixin, isagoo sababta Midawga Yurub sidaas u yeelayna ku sheegay baabi’inta Somaliland baabi’isay Hay’addii Wadooyina SRA, taasoo ay midawga Yurub Xukuumadda Somaliland ka dalbadeen in dib loo soo celiyo hase yeeshee ay ka dhego adaygtay.

Khabiirku waxa uu xusay midawga Yurub in ay wada shaqayn toos ah la lahaayeen Hay’adaasi balse Hay’addan kale ee Madaxtooyaddu samaysay ee Horumarinta Wadooyinka loo bixiyay aanay la macaamilan, isagoo sheegay in ay ku diidan yihiin in nidaamka loo abuuray ee ah in ay iyadu dhisto wadooyinku ka hor imanayo sharcigooda, kazoo uu ku tilmaamay in uu dhigayo in ay shirkaddo madax banaan         Qandaraas ku siiyaan, Hay’adda Wadooyinkuna ku ilaaliso oo kali ah.

“ suurtogal ma aha in ay Midawga Yurub la shaqeeyaan hay’adda Xukuumaddu ugu talogashay in ay iyadu wax dhisto, oo soo Iibsato qalab oo kaaga darane ay isku milmeen Guddidii Qandaraasyadda oo lacag kaash ah gacanta ku qaadanaysa” ayuu yidhi Khabiirku.

Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali X Xasan isla markaana ah Masuulka ay Hay’adda Horumarinta wadooyinku hoos timaado ayaa dhawaan mar uu xadhiga ka jarayay wadadii ugu horaysay ee ay dhisaan oo ah kalabaydh iyo Wajaale oo ah Wadadii midawga Yurub lacagta u hayeen ayaa sheegay in Midawga Yurub lacagtii ay u haysay wadada ku wareejisay IGAN, ilaa hadana ay hayso, isagoo xusay in aanay wax war ah oo danbe ka helin.

Isa seega Midawga Yurub iyo Somaliland ee mashaariicdii horumarinta wadooyinka ayaa bilaabmay markii Madaxweyn Axmed Siilaanyo Digreetada ku baabi’iyay Hay’adii Wadooyinka SRA, wakhtigaasoo dad badani saadaaliyeen in ay sidan oo kale wax u dhici doonaan.