BOQORTOOYADII ROOXAANTA!

0
122

Khayraadkiisa kala gedisan dhul beereedkiisa quruxda badan, nimcoolayda kala duwan, biyo mareenada hodanka ah ee wax kasta aad ka helayso , roobka iyo dhulka cagaarka ah, xeebtiisa dheer ,macdanta kala duwan iyo dhamaan barwaaqda mid berri iyo mid badeedba leh ee Rabbi ku mannaystay ayaa ka dhigtay jasiirad qani ah. Haddana Waxay  ahayd go’doon.  Waxa kaaga filan barwaaqadeeda Weedhahan:

“Waa degel barwaaqo ah deligiisu buuxo, buuraha qurxooniyo, beeraha ku shaaaximan aad bogaadinayso,

 Waa beled qurxoonoo  badihiisa dhaadheer berrigiisa baadka leh, xoolohiisa bilicda leh ku baaraarugaysee. boqor baahi reebaa beriganni u baahdee aynu baadi doonee.. baxsanow isoo raac……. “

Dadku waxay quudan jireen midhaha dabiiciga ah ee dhirta ka baxay marka roobku da’o ee barwaaqda ah, inkastoo deegaanku barwaaqo ahaa haddana ma jirin qof u kalaha beer falid, kaluumaysi iyo macdan gurasho iwm, noloshooduna waxay iska ahayd uun qadaa madherge marna barwaaqo, wakhtiyada qaarna roobku yaraado… khayraadkeedii dabiiciiga ahaana lagama faaiidaysan. Bulashadii jasiiradda markii ay ogaadeen in Jasiiradaha durugsani ay horumarka gaadhsiiyeen boqoro ayay doorteen boqor la odhan jiray Sahal.  Waxay rumaysteen xikmadda  ah “Xukun la’aani waa xoolo laa’an”  Waxay aaminsanaayeen “Hawlbaa horumar leh”  Muu ahayn nin ay bulshadu hore u taqaanay. Waxay dadka jasiiradu rabeen in boqorku uu jasiiradaa ka dhigo sida jasiiradaha  barwaaqda ah ee dadkoodu ka dhaqaalaysteen dhinacyada Beeraha, Xoolaha, kaluunka iyo macdaanta kala duwan.

“Good Ideas are the backbone of good government”  Waa halkaa Abwaan Hadraawi ka yidhi  “Degmadaydu  duleed joogta maqashiyo ka hagrada ma durugtada ayey geel u dirataa”   

Boqorka oon filayn in la doorto ayaa khudabad jeediyay wuxuu balanqaaday inuu nolosha nidaaminayo, qof kastana uu doonayo in aanu ka werwerin quudka uu cunayo, biyaha uu cabayo, hoyga uu seexanayo iyo naftiisa.

khudbad balladhan oo uu jeediyay markii la doortay Sahal ayaa ahayd sidan:

“ Maankayga kuma hayn  maanta oo kale , marse hadday timi waa in aan mafsuudaaye, magacayga waa inaan miyiga geeyaaye, mahadsanidin reer Manaam miyirka  ii doortay………….”

Balanqaadka Boqor  Sahal:  “Mar hadda I saarteen, sidaad wada ogsoontiin Subixii yimadda subagbaa……”

Boqor Sahal wuxuu magaacaabay la taliyhiisa oo isla markaana ahaa dhaqaale hayihiisa ugu dhawaa oo la odhan Sakhir, wuxuu ahaa nin isaga ka weyn waayo arag ah oo, jasiiradda in  badan ku dhex noola.. Bulshaduna taqaano…

Wuxuu ahaa oday afthan ah ,oo aan la waaban hadalka, dadka qancin jiray ,lakiin wuxuu ahaa nin faan badan, ficil badan oo aan si fogna aan wax u arag.  Waxa aad ugu kalsoonaa Boqorka. Waxa la baahiyay go’aankii boqortooyadu gaadhay ee Jasiiradda lagu maamulayo si horumar loo gaadho:

Go’aan

“Beeraheena wanaagsan Waa inaan Taar ku xidhinoo, boqorkeena badhaadhane badhkiisa aynu ka siino, wixii  soo hadhana  bulshadeena u dayno,

Beledkeenu dhamaan waa inu burqdaa…Wixii  Saacida yaalal iyadu wayska oraydh, boqorkaa baaqi u yeeshay”.

“ Waxaanu go’aaminay In dhirta midhuhu ka baxaan Taar lagu xidho, Markay bislaadaan ee roobku da’o qasriga boqortooyada ayaa badhkiisa ka qaadanaya….. Wixii hadhay dadka ayaa iska leh …… dhirtana waa in la ilaaliya, waayo waa nolosheena….. Iyada Beerta Saacida Boqortooyada ayaa iska leh”

Saacida waxay ahayd beerta keliya ee leh Ceel biyood dabiici ah oo aan gudhin oo gu’ iyo jiilaalna baxda, waxaana madaxa looga dhigay nin la odhan Salid.

Muddo markay boqortooyadii maamulaysay waxna nolosohii iska bedeli waayeen xaalkoodiina noqday “arrin xumo abaar ka daran” ayay bulshadii go’aan ku gaadhay  “Niman ku tudhayn yaanu kuu talin”  Waxay dadku gaadhsiiyeen  boqorka in  noloshii ay ka sii dartay , waxaan u baahnay boqor kale oon doorno, arintaasi boqortooyadii, Sakhir iyo golihiisa may u cuntamin. Waxayna ku jawaabeen:

Dhereg baynu la jiifnaa dhoohanow dhinceena dhab baa loogu dhintaa , dhuuxa waa la shubtaa , dhiiga waa la cabaa” Nabadda aynu ilaashano.

“Boqorkeena wanagaasan soomane iska jooga”  Alla ha daayo,bal yaa lagu doorsadaa.

“Tabar nin leh ayaa talo la waydiiya “, “Dawladimadu waa geed”

“ Maanta maalin ay ka waanagsan tahay ma jirto , beerihii baa baxay roobkii  baa batay , askar baa ilaalisa dhir la jaraa ma jirto”  Dadku iyo dugaagta, bisadda iyo jiirka, waraabaha iyo xooluhu  waa saaxiib, wakhti la mid ahi inama soo marin Maxaa ka wanaagsan” Yaan nin boqordoonayaa idinka baabiin quudkiina … Waxay dhaliishooda ku eedayn jireen meelo kale, kuna gefi jireen xikmadda ah “Ceeb aad lahayd cid kale lagulama galgasho”. May jeclayn is toosinta iyo dhaliisha. Dadkuna  xikmaddan ayay adeegsan jireen  Where there is little or no public opinion, there is likely to be bad government, which sooner or later becomes autocratic government”. Xaalkooduna wuxuu noqday  “Doqoni iyadaa qool is gelisa”, waxay adeegsan jireen “Ninkaa xoog badani hortaa buu xanaaqa”.

,,

Waxay bulshada Jasiiraddu u arkaysay weedho ka soo burqanya qalbiyo aan dareen lahayn, oo ka madhan kalgacal waxayna odhan jireen  “Calool dheregtay caqli ma leh”.

 

Boqortooyadu waxay ku dhaqmi jirtay siyaasadda ah “Nimaad hoo tidhi kaama horyimaad”, Waxay midhaha beerta Saacida u adeegsan jirtay aaminteeda iyo faankeed.

Markii maadadii ka qiimo badatay wada noolanshihii bulashadiina noqotay mid dhereg dhaaftay iyo mid saboolnimo xun ku jirta , ee qayladii demi weyday ayuu boqorku u yeedhay golihiisii oo waydiiyay bal inay ogolaadaan in boqor kale la doorto jawaabtooduna waxay noqotay:

“Dadkan waan naqaanaa, duunyadoo kale weeye, daasad baan u tumayaa dekeeyoo iska seexo”. Arinkoodu wuxu ahaa “Doqon waran sitaa, waranbuu ismooda”.

Waxa ku fadhiday xikmadda ah “Fule laga aamusay fulay buu ku moodaa” ilaa ay runtii arkeen.

,

Weedhihii ka soo baxayay boqortooyada way dhaafi waayeen intaasi kooban si kasta oo ay isugu dayday in ay cadaalad iyo sinaan u sheegto , barwaaqo iyo badheedhe baahiso , way  amuusin kari wayday… Afafkaasi qaylinaya, caloolaahaasi gaajaysan, jidhadhkaasi qaawan.  Waayo Jahawreerka iyo welwelku wuxu ku dhacay nafihii, qalbiyadii iyo maskaxdii  bulashada.

Markii Baaqi, dhawaaqii iyo talaabooyinkii isbedelku heer xun gaadheen ee wakhtiguna noqday “Doqoni dibay wax ka gartaa” ayay boqorkii, Sakhir iyo golihiisii u muuqatay in xaaladdu si kale isu rogto waxayna ogolaadeen in la doorto boqor kale, kaasi oo  xilka kala wareegi doona  boqor Sahal …….[la soco qaybo kale }.

AHMED ADAM ALI (HAIBE)

ahmed26june@yahoo.com