Guuxii darajada ee Wasiirka Gaashaan-dhigu sheegay oo hoos u baxaya

0
119

ciidan Xukuumadda Somaliland ee uu Gadh-wadeenka ka yahay Mujaahid Madaxweyne Axmed maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa dhaqan gelisay bixinta darajadii Ciidamadda Somaliland ee mudada 22-ka sanno ah Xukuumadihii kala danbeeyay ku dhici la’aayeen, waxaanay dhamaan Ciidamadda Somaliland ku Ciideen iyagoo Garba-cas oo haybadi ka muuqato.

Ka hor bixinta darajada Ciidamadda waxa jiray dareeno badan oo bulshadu ka qabtay natiijada ka dhalan doonta, waxaana su’aal la xidhiidha arrintaas jawaabtan aka bixiyay Wasiirka wasaaradda Gaashaan dhiga isagoo maanka ku haya dareenkaasi, waxaanu yidhi

“ Marka Darajooyinka la bixiyo dadbaa Guuxi, inaguna waynu iska Guuxnaa,  Guuxeenuna  wuu Badan yahay Illahay uunbaa guuxeena xukumi kara, anigu ma odhanayo cid hadlaysa iyo juuq odhanaysa ma jirto, qaarbaa dafiri doona haday doonaan, xaqiiqada lawada arkayo ee umada garbaheeda ku yaala ee Alfaantu ku taalo oo isbatooruhu ku yaalo ee lagu Iidayo qaarbaA odhan doona waxba lama Bixin, laakiin wixii guux ka imanayo oo dhan waanu ka hortagnay.”

Hadalka Wasiirka ayaa dhaboobay oo Guux baa soo baxay ku qotoma qaabka darajada loo bixiyay oo Ciidamadda qaarkood si hoose u guuxayaan balse marnaba sidii la filayay ee dadka qaarkood ku doodayeen wax belaayo ahi ugamay dhicin bixintii darajada, waxaanay u muuqataa in Cadami sii saadaaliyay waayo meesha kamuu saarin tabashooyinka soo bixi dooona.

Hadaba, Wargeyska Waaheen waxa uu u dhaba galay saamaynta ay bixinta darajadu ku yeelan karto Ciidamadda iyo in uu Guux jiro, waxaanan la kulanay qaybo ka mid ah Ciidamadda Somaliland, kuwaas oo aan u sinayn tabashooyinka uu sii saadaaliyay wasiir Cadami, waxaana muuqata in Guuxa jiraa ku kala badan yahay Ciidamadda iyo qaabka darajooyinka loo kala siiyay.

Guuxa ugu badan ee ka soo baxay qaabka loo qaybiyay darajadu waxa uu ku badan yahay Ciidanka Booliiska qaybihiisa kala duwan, kaasoo gun iyo Baar saameeyay saraakiishii Booliiska isla markaana hoos u dhigay meeqaamkii ay qaarkood ku sugnaayeen intaan darajada la siin, halka qaar heer hoose kaga qornaa ay mar kaliya dalacaad aan la filayn ka heleen.

Tusaale ahaan, sarkaal haystay oo ka talin jiray Saldhig ama Xarun Booliis ayaa laga saraysiiyay Askari uu xukumi jiray, halka Askari aan shaqo tagi jirin oo shaqooyin suuqa ah kaga feegnaa lagu tolay darajo sare oo ka saraysa kii goobta shaqo ku sugnaa, iyadoo sida muuqata qaabka loo xulay lagu qiimeeyay darajadii uu lahaa xiligii dawladii siyaad Barre ama qaarkood ay soo baxayaan tabashooyiin intaa ku duwan in lagu siiyay.

Ciidanka Milatariga Guuxa ka jiraa wallow uu ka yar yahay kaa Booliiska hadana waxa jira saluug Ciidanka qaarkii qabaan, tusaale ahaan waxa kala saraysiintooda loo cuskaday darajooyinkii hore ee ay lahaayeen iyo Koorsooyinkii danbe ee Ciidanku ka soo qaateen dalka Itoobiya, kuwaas oo sababay in Askar mudnayd labadaas arrimood la’aantood in lagu dalacsiiyo inaan la gaadhsiin meeqaamkii ay filayeen.

Waxa jirta arrin kale oo aan badnayn oo ah in Ciidanka qaarkii laba darajo loo soo kala saaray, iyadoo darajooyinkaas qaarkood kala badan yihiin, tusaale ahaana Askari baa mar loo soo saaray laba Xidigle, hadana waxa Liis kalae uu ku soo baxay Kabtan, taasina waxa ay Askartaas ku dhalisay in ay door bidaan sida ay u kala sareeyaan.

Dhamaan qaababka loo qiimeeyay Ciidanku saamaynta taban ee Guuxa jira abuuray waxa ay ku habsadeen Askartii Ciidamanimada ku soo gashay Halgankii SNM gaar ahaan kuwa Booliiska ah oo aan hore u lahayn darajo ama aan helin sida Ciidanka Qaranka Koorsooyinkii Itoobiya, waxaanay qaarkood madax ka ahaayeen saldhigyo iyo xarumaha Booliiska, kuwaas oo madaxooda loo rogay Mijo, ama si kale hadaan u dhigno laga saraysiiyay kuwii ay u talinayeen marka loo noqdo darajooyinkii ay kala siteen Halgankii ka hor.

Si kasta ha ahaatee waxa dhab ah sida uu Wasiir Cadami sheegay in Guux jiro hase yeeshee baqdintii laga qabay marka loo Eego ay tahay mid aan illaa hada saamayn yeelan ama aan kor u soo bixin, laakiin waxa Xukuumadda looga fadhiyaa inay qabyo tirto cabashooyinka jira.