Wasiirka Maaliyada Somaliland iyo wasiirka warshadaha Oo dadweynaha Reer Gabilay la Tukaday Salaadii ciidla Fidriga

0
135

Hargeysa(Waaheen) wasiirka Wasaaradda Maaliyadda  C/casiis Maxamed Samaale iyo wasiirka Wershadaha Abiib Diiriye Nuur ayaa samalSalaadii Ciidal Fidriga Saaka  la tukaday Dadweynaha Reer Gabilay,oo u dabaal degayay Munaasibadaasi oo Gobolka Gabilay si weyn looga Xusay.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda C/casiis Maxamed samaale oo salaadii Ciida kadib la hadlay dadweynihii salaada tukaday ayaa ka codsaday manta iyo maalmaha Khayrka ah ee Ciidal Fidriga in la isa saamaxo oo wanaaga laga shaqeeyo.

Wwasiir Samaale Dadweynaha Reer Gabilay waxa uu u gudbiyay salaam uu uga siday Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo munaasibada Ciidal fidriga awgeed salaam u diray shacbiweynaha Somaliland.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan Dadweynihii Gobolkayga kala qaybgalo Tukashadii salaada ciida, waxaan leeyahay iswada saamax, waa ayaamo khayra,Madaxweynihii qaarankana salaan diiran ayaan idiiinka sidaa”wasiir samaale……..