Feysal Cali Waraabe oo Madaxweyne Siilaanyo ka dalbaday inuu ka jawaabo Sulaaihii Goluhu weydiiyeen

0
109

Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng: Feysal Cali Waraabe oo munaasibada Ciidal Fidriga u dirayay fetsshacbiweynaha Somaliland inay ku Ciidaan Caafimaad qab ayaa dhinaca kale Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ka dalbaday in uu ka jawaabo Lix iyo tobankii Qoddob ee ay Golaha Wadatashigu usoo bandhigeen.

Feysal Cali Waraabe waxa uu Madaxweyne Siilaanyo usoo jeediyay inaan laga aqbalayn in uu Golihiisa wasiiradda gaadhsiiyo lix iyo Afartan Wasiir isla markaana aan laga ogaalanayn in Hantida Ummadda iyo Khayraadkeeda la boobo, oo aan Salaadiin la soo ururin si ay ugu jawaabaan Golaha.

Feysal cali Waraabe waxa uu ku bilaabay hadalkiisii Munaasibada Ciidal Fidriga “Caalamu islaam waxaad arkaysaan in uu dhiig ka socdo, waxa waxaas ugu wacan waa Xukaam xumada Calamu islaam haysaya taas baa keentay in maanta meel walba dagaalo ka socdaa”,

“Waxa lagu dhawaaqay ramadaan kowdeedii Gola wadatashi oo aan aniguna ka mid ahay waxa keenay baylahda dalka ka jirta, Waxa ay Xukuumaddu bilowday Aflagaado in ay Cashuuurtii yarayd ee Dalka Wasiiro iyo salaadiin ku Ururiso aflagaadaysa. Aflagaado dal laguma maamulo, qaybin Dal laguma maamulo, dadkii waad qaybisay oo qabyaalad baad ku qaybisay” ayuu yidhi

Isagoo sii wata waxa uu raacaiyay “sidaad Madaxdii kaa horaysay ula xisaabtami jirtay ayaa laguula xisaabtamayaa, Dal baa lagu dhiibay maanta Maamul Goboleed baad xukuntaa, Meel walba shir beeleed baa lagaga dhawaaqayaa, Xukuumadaada dadka maamulaya waa la arkaa maaha dad  dadka maamuli karo, maaha dad masayrka Ummadda Mamauli kara” ayuu yidhi

Isagoo ka hadlaya darajada ciidanka waxa uu yidhi “waan jecelahay in Ciidanka darajo la siiyo, laakiin lagaagama baran yaanay Fidno inagu noqon tii Ina siyaad barre ku dhacday oo kale, Ciidan Beeleedyo ayaad qortay oo la sheegayaa mudadii aad xilka haysay, maaha inaad cadaalad daro ku bixiso”

Ugu danbayntii Feysal cali Waraabe waxa Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu ka jawaabo su’aalaha la weydiiyay