Dr. Moha Farah Jire oo Ghana looga dhigay safiir sharafeed arimaha bani aadamnimada ah!

0
130

orpansSida lagu sheegey warsaxaafadeed taariikhda Dr. Moha Farah Jire uu kaga hadley urur arimaha bani aadamnimada u qaabilsan xukumada Ghana oo CAT lagu magacaabo ayaa shegey inay ahayd Xidig  Geeska Africa u dhalatey, kana dhex iftey arimaha Qaarada ee Saxaafada, Dimoqraadiyada, Amniga iyo nabadgelyada qaarada, Dr. Moha waa markii 5aad ee socdaal shaqo ay ku timaad cariga Ghana waxanay si kal iyo bani aadamnimo ku ladhantahay nooga aqbashey xilkasi ,iyadoo isku xidhi doona ururada maxaliga ah ,kuwa caalamiga ah, deeqbixiyayaasha iyo guud ahaan diplomasiyiinta u ololeysa arimaha bani aadamnimada ee ay xidhiidhka wada shaqayneyd la leedahay Doctooradu ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka

IMG_3984

Sidoo kale Moha Farah Jire oo jaraaidka Ghana warsaxaafadeed ay qabatey kula hadashey ayaa tiri, waa howl aan jeclahay , in aan taakulayno caruurta dhiban ee uu baahan gargaar bani aadamnimo , waa waajib aadamnimo oo diinahu guud ahaan ay ina farayaan, wanan uga mahadcelinayaa Xukumada Ghana ee ii xil saartey howshani baaxada leh, waxay ka codsatey in warbaahinta qaaradu kala shaqayso u ololeynta arimaha caruuraha aan waalidka lahayn, ama baahiyaha gaarka ah leh, waxayna booqashooyin ku samaysay  xarumaha ugu waawayn ee Agoomaha lagu xanaaneeyo Ghana, iyadoo macaawinooyin kii ugu horeysay gaadhsiisey
Waxa inta badan dalalka reer galbeedka ah loo xushaa xilalka Bani aadamnimo dadka Caanka ah ee  magaca  weyn leh, si loogu soo joogsado howlaha gargaarka ee ay ka wadaan dunida

IMG_3982