Rooney oo ka hadhay Safarkii United Mar labaad, kuna sii siqaya Kooxda Chelsea

0
25

rooneyW.Wararka: Ciyaaryahanka Qaranka Ingiriiska ee Wayne Rooney ee doonaya inuu ka baxo xagaagan Old Trafford ayaa mar kale ka maqan safarkii labaad ee Ciyaaraha Iskululaynta Xagaagan ee Kooxdiisa ugu baxday dalka Sweden, iyadoo Socdaalkii hore ee United ee Bariga Fog & Aasiya dhaawac dartiis la sheegay inuu u seegay.

Kooxda Manchester United ayaa sheegtay in Wayne Rooney uu seegi doono kulankooda ugu danbeeya booqashadooda xagaagan ka dib markii dhaawac cusub oo garabka ah uu soo gaadhay.

Kooxda United ayaa u socdaashay dalka Sweden halkaasoo ay kula ciyaarayaan kooxda AIK Stockholm,

Rooney ayaa sida la sheegay dhaawac uga soo laabtay fasaxii ay Man United ku mareysay Asia iyo Australia xilligaasoo mustaqbalkiisa uu mugdi weyn ku jiray.

Laakiin horaantii Todobaadkan ayaa sidoo kale la sheegay inuu soo kabsaday dhaawacii iyadoo Tababaraha cusub ee United David Moyes uu sii shaaciyay in ciyaaryahanka uu kooxda inteeda kale u raaci doono dalka Sweden islamarkaana ciyaarayo kulanka saaxiibtinimo ee kooxda AIK.

Kooxda Chelsea ayaa tan iyo Bishii hore la hortaagnayd Albaabka Old Trafford dalab 30 milyan ginni ah, kaas oo markii sadexaad todobaadkan laga soo diiday.

Kooxda United ayaa Boggeeda Twitter ku qortay “Wayne Rooney waxa uu dhaawac garabka ah ku seegayaa kulankeena ugu danbeeya booqashada xagaaga, ka dib markii uu soo gaadhay Todobaadkan dhamaadkiisii, iyadoo dhaawacani uusan aheyn mid halis ah.”

Waxaana Kooxda United ay isla todobaadkan kula ciyaari doontaa Old Trafford kooxda reer Spain ee Sevilla kulan lagu maamuusayo mustaqbalka ciyaareed ee Daafaca Rio Ferdinand, lamase hubo inuu kulankaas safan doono Wayne Rooney.

Wargeysyada ka falooda arimaha Isboortiga ayaa sheegaya in Xiddiga reer England uu ku sii siqaya kooxda sida weyn u doondoonaysa ee Chelsea, iyadoo warar kale ay sheegayaan in laacibkani uu doonayo inuu warqad qoraal ah oo uu ku codsanayo in la iibiyo u gudbin doono maamulka Kooxda Manchester United u gudbin doono.