Golahan oo dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada hargaysa 11/07/2013 ayaa wax ku dhawaaqay shaqsiyaad isugu jira siyaasiyiin, mujaahidiin iyo aqoon yahano mug iyo miisaan culus ku leh jamhuuriyada Somaliland kuwaasi oo ay ka mid yihiin mujaahid ibraahim dhaga wayne oo kamid ahaa saraakiishii ururkii xaqku dirirka ahaa ee SNM sidoo kale wax uu mujaahid ibraahim dhaga wayne ahaa hogaamiyihii urur siyaasadeedkii UDHIS ee ku hadhay qiimayntii kowaad ee kale shandhaynta ururada siyaasada iyo axsaabta qarnka sidoo kale wax ka mida musuuliyiinta golahan mujahid xasan ciise jaamac oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii iyo shaqsiyaad kii dhidibada adag utaagay ururkii SNM ahna hogaamiyaha urur siyaasadeedka XAQSOOR ee ku hadhay wareegii labaad ee kala shaandhaynta ururada iyo axsaabta qaranka sidoo kale wax ka mida golahan ENG maxamed xaashi cilmi oo xilal kala gadisan ka soo kala qabtay xukuumadihii dalka soo maray xukuumadii cigaal wax uu ahaa maayarka caasimada hargaysa sidoo kale wax uu xukuumadii Riyaale ka soo qabtay xilal wasiirnimo oo kala gadisan xukuumada haatan joogtana waxa uu ahaa wasiirkii maaliyada oo run ahaantii waxa qabad la taaban karo oo taabo gal noqtay ka qabtay taasi oo ilaa hada xukuumada joogtaa aya ku naalooto wax qabadkaasi. Si kastaba ha ahaatee maxamed xaashi iyo DR.Gaboose ayaa waxa ay ku dhawaaqeen ururkii Qaran wakhtigii talada dalka aya haysay xukuumadii UDUB taasi oo ay ku tilmaantay ururkaas mid sharci daro kulana kacday xadhig loo gaystay masuuliyiinta ururkaasi hadaba xisbiga kulmiye ee ay ka dhalatay xukuumada hatan joogta ee talada dalka hayasa oo uu gadhwadeen ka ahaa madaxwayne Axmed siilaanyo ahaana wakhtigaaas xisbi mucaarada ayaa si adag u dhaliilay xadhigaas lagula kacay masuuliyiinta ururkaasi kuna tilmaamay xadhigaa mid sharci daro ah cabudhin iyo cago juglayna ah ayaa manta golahani ku noqday laf dhuungashay sidaas daradeed waxa taageero badan u muujiyay dhalinyaro, haween ,aqoonyahan iyo waxgarad tiro badan taasi oo liqiwaa tufiwaa ku noqotay masuuliyiinta xukuumada wax kale oo golahan si buuxda u taageeray qaarka mida hogaamiyayaasha axsaabta qaranka si kastaba ha ahaatee aas aaska golahan ayaa wax uu ka dhashay markii aya arkeen masuuliyiinta golahani sida ay tibaaxeen xaalada hada dalku marayo iyo waliba geedi socodka siyaasadeed ee xukuumada hadan talada dalka haysa sinay lagama maarmaan tahay in lagu dhawaaqo golahan.Hadaba masuuliyiinta golahan iyo madaxwayne siilaanyo ayaa ahaa saxiibo mudo badan kusoo wada jiray halgankii gobonimo doonka ee dalka lagu xoreeyay haatana ku kala aragti duwanaaday mowqifka siyaasadeed. Qalinkii Farax Cabdi Muxumed Daa’uud.