WAXA AY QODEEN GODAD!!! w/q: Mubarik Abdillahi Ibrahim (Daljir)

0
89

UntitledMar kasta oo aad safar gasho una fiir-fiirsado nolosha bulshada, xaaladda deegaanka, iyo wadciga nololeed ee ay ku sugantahay bulshada  ku nool deegaan gaara, waxa aad la kulmaysa duruufo kala duwan oo ku xeeran dhinacyada kala duwan ee bulshadaas. Wakhti aan dheerayn ka hor ayaan socdaal ku tegay deegaannada koonfurta magaalada Burco ee gobolka Togdheer. Intii aan jidka kusii jiray waxa aan aad u dhuganayey xaaladda deegaan iyo guud ahaan jawiga nololeed ee dhulkaas aan socdaalka ku marayey. Waxa xusid mudan in aanu raacnay kuna safraynay gawaadhida u kala gooshta Burco iyo hawd keeda. Waxa aanu gaadhiga wada saarnayn qaar ka mida bulshada xolodhaqatada ah ee deegannadaas. Waxa aan xog warran la yeeshay qaar ka mida dadkii xooladhaqatada ahaa ee aanu gaadhiga ku wada safrayney. Mid ka mida dadkaas ayaa waxa uu iiga shekeeyey qiso dareenkayga gilgishay aadna u xanuun badan oo ku aaddan dhinaca deegaanka.

Waxa aynu ka wada dheregsannay in xaaluf ba’an lagu hayo degaanka Somaliland cidda doorka ugu weyn ka qaadata xaalufinta deegaankuna waa dadka aynu ugu yeedho “dhuxulaysatada’’ oo ka ganacsada dhuxusha. Wakhtiyadii hore waxa ay arrintani ku bilaabantay inay shidaan dhirta qalalan oo ay dhuxul ka dhigaan, tanina saamayn taban kuma lahayn deegaanka iyo xaalufintiisa madaama waxa la shidayaa dhir qalalan oo aan manafacaad kale lahayn tahay. Markii ay dhamaatay dhirtii qalalnayd ee la shidi lahaa, arrintu sidii hore way iska beddeshay. Si aanu meesha uga bixin ganacsiga dadkani ku hawlanyihiin iyo daboolidda baahida dhuxusha loo qabo ee magaalooyinka, waxa ay bilaabeen inay shidaan dhirta qoyan. Geedkii la hadhsanayey ama xooluhu daaqayeen siyaabo kalena loo manafacaadsanayey ayaa ay gooyaan dabadeed inta la gaagaabiyo ayaa lagu gurayaa haab/god weyn oo loogu talo galay in lagu shido dhirtan, sidaas ayeyna dhuxul ugu beddelaan dhirtii qoyanayd.

Arrinta aan u socdaa waxa ay tahay, saamayn noocee ah ayaa ka dhalatay ka ganacsiga dhuxusha ee noocan ah? Saamayntu ma yara laakiin midda aynu dul istaagayna waa ta ku aaddan caruurta iyo hab-dhaqanka iyo fekerka ay arrintani dhaxalsiisay. Carruurtu waa jiilka la wareegi doonaa talada, masiirka ummaddana jaan-goyn doona mustaqbalka, marka la qiimaynayo sida uu u ekaan doono mustaqbalka ay umadi yeelaan doontana waxa laga dheehda jiilka soo koraya. Carruutu waxa ay dhaxashaa mustablkana ku dhaqantaa waxa ay ka dheehdaan ama ka dhugtaan hab-dhaqan iyo hab-nololeedka jiilka ka horreeya ama dadka waaweyn.  Carruurtii ku noolayd dhulka baadiyaha ah gaar ahaan deegaankaas aynu kasoo hadalnay waxa ay waagii beryaba indhaha ku kala qaadaan dhir qoyan oo la jarayo, la gaagaabinayo, dabadeed haab/god lagu shubayo laguna shidayo si dhuxul looga dhigo. Carruutaasi waxa ay qabatimeen wax qummanna u fahmeen dhirtaas qoyan ee haabta ama godka weyn lagu shidayo dabadeed halkii ay carruuteenna baadiyuhu  kaga mararoobi jirtay dhoobo ay ka sameeyaan sawirro kala duwan sida guri, qof, qori, iwm, habluhuna si gaara u xisayn jireen inay sameeyaan aqal aroos, caruusad iwm oo ay ka allifeen maryo iyo qoryo yar yar oo laysku xidhxidhay. Hab dhaqankaas hore ee carruurteenu caadada u lahayeen waa u is beddelay dhulka baadiyaha sida uu xusay shakhsiga xog-warrankan i siiyey. Waxa ay ku beddeleen in ay qodaan godad dabadeed ay xaabo, dhir ay soo googooyeen, imw ku guraan haddii ay dab gacanta ku hayaanna ay ku shidaan.

Cajab iyo cajiib!!!!!!!!!!. Maxay arrintani ina dhaxal siin kartaa haddii aan wax laga qaban? Haddii jiilkii inoo soo korayey ee dhulka baadiyuhu ku barbaraan hab-dhaqanka noocan ah, waxa markhaati ma doon ah in deegaankeenna oo imikaba xaalufin ba’ani ku socoto uu kasii dari doono mustaqbalka natiijada kama dambaysta ahina noqon doonto dhulka aynu ku noolnayahay oo gebi ahaanba xaalufa saxare/lama-degaanna isu beddala, roobka oo yaraada, dabaylaha oo is hirdiya iyo xoolaha oo dabar go’a. Alle innaguma keene haddii arrimahaasi dhacaanna, gebi-ahaanba noloshu suurtogal noqon karto. Si carruurteenna looga badbaadiyo hab-dhaqankaas waa in ay dowladdu hir gelisaa oo fulisaa siyaasad wax ku ool ah oo lagula dagaalamayo dhuxulaysiga iyo xaalufinta deegaanka sida in la raadiyo tamar (energy) kale oo dadku kaga maarmaan dhuxusha, in la abuuro ciidamadii ilaalinta dhirta iyo degaanka (Forest guards), in dadka baadiyaha la abaabulo loona sameeyo guddiyo dowladda la shaqeeya oo xogta/warka xaalufinta degaanka usoo tebiya, dadka lagu helo falka xaalufinta deegaanka oo ganaax adag iyo xadhig laysugu daro, IWM. Haddii kale ar-dambe ayaa farta dhexda laga qaniini doonaa.

Mubarik Abdillahi Ibrahim (Daljir)

Msc in Development Economics candidate