Saylac:Xukuumadda oo Gurmad u fidisay dadkii Duufaantu ku dhufatay

0
107

Fiqi-Aadan(Waaheen) golaha Deegaanka Saylac ayaa gaadhsiiyay dadweynaha tuulada Fiqi Aadan ee ay dhawaan ku dhufatay Duufaantii Roobka ahayd ee dabaylaha wadatay Gurmad isugu jira Raashin, Qalabka Bacaha Guryaha laga dhigto iyo Hu.

Wariyaha Waaheen ee Gobolka Salal oo la socda wefti ay hogaaminayaan Maayarka iyo Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Saylac oo ay wehelinayaan Xildhibaano ka tirsan golahaasi ayaa sheegay in ay mucaawino Deg deg ah soo gaadhsiiyeen Wasaaradda Dibu-dajinta, Hay’adda Bisha Cas iyo Golaha Deegaanka Saylac.

Wariyuhu waxa uu sheegay Deeqda la soo gaadsiiyay in ay ka kooban tahay 25 baco kuwa Hoyga ah oo ay bisha cas ugu deeqday, 50 kiish oo Bariis ah oo ay dawladda hoose  bixisay, iyo Wasaaradda Dibu-dajinta oo qaybta ugu badan keentay, taasoo ka kooban Xidhmooyin  markaneecooyin ah, 4 kartoon oo dhar iyo kabo ah, 20 kartoon weel ah, iyo 100 teneg oo timir ah.

Gurmadkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee la gaadshiiyo Dadka Tuulada Fiqi Aadan oo khasaare balaadhani ka soo gaadhay Roobkii ugu danbeeyay oo Duufaan Dabaylo wata ahaa, kaasoo keenay khasaare Dad iyo Duunyaba isugu jirtay.