Maadaama u madaxweynihi ajiibay codsigii ad dalbateen maxa keenay diidney iwm dalkani rabshad iyo caruurto afka lagu qaado uma baahna‏

0
58
Waxaan saaka dhageystey warsaxaafadeed ay soo saareen salaadintii waanwaanta iyo heshiiska ka dhex waday golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka iyo xukumada madaxweyne Siilaanayo oo an kan mid aha dadka jecla in ay wada kulmaan madaxweynaha iyo golahani oo ay isfiican isku fahmaan, Runtii aad baan uga xumahey dhawaaqaasi salaadinta kasoo yeedhey ee natiijo la’aanta. waxan hadd ba garan la ahey oo runtii iga dhaadhic la’ sababta iyo arimaha golahan doonayay ee an aheyn toosinta qaranka maadaama u madaxweynihii ba ajiibey inu taladii salaadinta oo ogolaadey inu la kulmo wa maxay sababta keentey diidney kulanka madaxweynaha.. cajiib.
Dalkani rabshad iyo dagaalo sokeeye uma baahan, waxan leeyahay gudida wadatashiga iyo toosinta qaranka maadaama ad ka noqoteen golihii ad isku magacoowdeen islamarkaan ad ka gaws adeegteen kulankii madaxweynaha sida salaadintu sheegayso Fadlan kusoo biira xisbiga qaran ee UCID.. dhibaato iyo caruurtoo afka lagu qaada faa’iido inoo ma aha wixi aynu uso dhimaney wa nabaad iyo horumar intiina weynu heyna ee wa inaad maradiina u sheegtan oo ad rabshada iyo siyaasada guracan joojisan.

Wali na maan fahmin sababta ay go’aankaasi salaadinta u diidayaan iyo kulanka madaxweynaha ee ay iyagu dalbadeen..

Runtii madaxweynaha iyo xukuumada ba waan u mahadnaqaya codsigaasi ay aqbaleen, Odayaashan waxan leeyahay cadhuuftiina dib u liqa oo rabshada iyo ad adeega an wanaagsaneyn joojiya oo axsaabta mucaaridka kusoo biira si aynu dawladan uga takhalusno oo wadada wanaagsan ee sharciga ah soo mara intaasan idin odhan la’ha, runtii waxad tihiin rag siyaasiyan an taageersan nahay in ay hogaanka dalka qabtaan lkn idinkuma taageersani in ad hab an sharci aheyn iyo qori caaradii ad dawladeen ku ridaan iyo mudaharaado an qiimo badan la heyn, waxad ku ridin kartan oo ad fursadeedii ad maanta heysatan idinkoo axsaabta mucaaridka ah dhidibada u aasa oo is garab taaga..
Guul baan u rajeynayaa dalkeyga iyo dadkeyga ba
Wa bilaahi tawfiq
Omar Darood Hassan
Norway