Madaxatooyaddeena Kaaraamardha Muuqaalka Lixaad:

0
114

iljaWaa aqalkeennii Madaxtooyada ee Kaaramardha: Waxa saf loogu jiraa Raasbutiin oo lacag qaybinaya. Dadku maanta fara weynaa buu leeyahay. Waxa u soo gelaya Baaniyaal oo dadka soo dhex jiidhay.

Mudane Madaxweyne u eke waxa ku sugaya wasiirkii Hiddaha iyo Dhaqanka Cusub ee dowladnimo, Wasiirkii Tira-koobka beelaha laga tira badan yahay, Wasiirkii cusbaa ee xidhiidhka Golayaasha Hurda iyo Wasiirkii Cusbaa ee Badda iyo Berriga iyo Dhul-ballaadhsiga Araweelo. Oo maxay rabaan wasiirada cusubi? Raasbutiin baa odhana. Dee gaadiid iyo qalabayn xafiis bay igu yidhaahdeen.

Raasbutiin: Soo daa labada wasiir ee cusub inta kalena iska taga ku dheh waa la eedaamay oo xagga sare baan ku soo tukanayaaye.

Wasiiradii cusbaa baa soo gelaya, Mudane Madaxweyne u eke, dee gaadhi la’aan ba’an baa i haysa, tagsigan Raaxo baa deyn badan igu leh oo subaxdii xafiiska I keena duhurkiina I rawixiya.

Raasbutiin: oo maxaad gaadiidka dadweynaha u raaci weyday, madaxdeenu waa in aynu raacnaa Bajaajta, basaska iyo baaskiiladaha si shacabku u arkaan in aynu la mid nahay. Wasiirkii Xidhiidhka Golayaasha Hurda oo ah qurba joog aan weli la qabsan farsamada qasriga Kaaramardha ayaa odhanaya Laakiin dee adiguba sidayadoo kale wasiir baad tahay haddana waxad haysataa 11 baabuur, adna kaalay bajaajta raac. Mar qudha baa la wada eegayaa sidii uu diinta caayey. Kaw, hoostaa laga wada odhanayaa war la’aan baa wadaadada hoday.

Raasbutiin afkuu kala hayaa, dadku waxay moodayaan in uu qoslayo, qosli maayee wuu haraaryoonayaa sidii sumal yar oo ido ka waaweyn lagu sii daayey. Mee wasiirkii Badda iyo Berriga iyo Dhul-ballaadhsiga Araweelo, anigaa gaadhi kuu haya mudane, intaa marka Raasbutiin yidhaahdo baa Ma Gafe maqlayaa, Raasbutiin anigaa gaadhi u haya, hal Lancrueser oo taarikadiisu 50 tahay baan hayaa oo walaalkay ka soo jiiday Woqooyiga Ireland.

Raasbutiin: oo waa imisa?

Ma Gafe: dee waa 35,000

Raasbutiin: 33,000 (saddex iyo soddon kun) hadda wasiirkeenna Janna-ka-bood ka soo qaado furaha gaadhigana ku wareeji wasiirka cusub.

Ma Gafe oo farihiisa buurbuuran sii leefaya baa odhanaya alxamdu lillah, gaadhigii jiidistiisa dowladda hoose ee North Ireland lacagta nagu siisay baannu halkanna 35 kun ku helnay. Mahaddaa yaa iska leh, dee xooggayga iyo xiniinyahayga, raggii ila midka ahaa sow kuwa suuqa lugaynaya.

Wasiirkii Xidhiidka Golayaasha Hurda oo yaabay baa odhanaya oo anigana kaygii mee? Baaniyaal baa hoos ugu odhanaya sowdigii is waalay ee Raasbutiin badihiisa galay. Sidaas baad gaadhi iyo qalabayn xafiisba ku weydey ee bajaajtaada iska raac.

Daljire Dahsoon

Ilham Hassan (Faleebo)