Laba ka mid ah Gawaadhida 999 ee Booliiska oo isku baaba’ay iyo Askartii saarnayd oo la xidhay

0
116

Hargeysa(Waaheen) Lab aka mid ah baabuurtii Booliiska ee 999 ee dhawaan Wasiir Cali Warancade u Iibiyay Booliiska ayaa galabta afurkii ku dul ssaburburay biriishka labaad ee Caasimadda Hargeysa kadib markii iyaga oo is eryanaya ay isku dhaceen.

Qof Goob jooge ahaa ayaa Wahaeen u sheegay labada baabuur in uu khasaare balaadhani soo gaadhay kadib markii ay labada Dirawal isku dhufteen iyaga oo aad mood inay ku tartamayeen, waxaana goobta soo gaadhay sarkaal ka tirsan Heeganka Booliiska, waxaanu isla markiiba xabsiga u taxaabay labadii Dirawal iyo Ciidankii saarnaaba.

Askarta la saaray gaadiidkan 999-ka ayay dadweynuhu cabashooyin badan ka muujiyeen qaabka ay durtaba u dhaqmayaan iyagoo aan shaqo hayna sida carruurta gawaadhida raawaxada ku dhex wadata Hargeysa Music iyo Nalka Deg dega ah is raacaya, taasoo magaaladda ku abuurta Cabsi iyo Argagax.

Goob Joogaha warkan Waaheen ka heshay ayaa sheegaya in Sarkaalka Booliiska ah ee goobta soo gaadhay ku Eedaynayay in aanay fasax ay ku soo baxaan soo qaadan, talaabadan ay sameeyeena tahay mid qayral masuulnimo ah.

Waa gaadhigii sadexaad eek a mid ah Tobankii Baabuur ee Booliiska loo Iibiyay ee burbura, iyadoo labadan gaadhi ay ka horeeyeen Gaadhi Noha ah oo ciyaal xaafadda Isha Borama degaa jajabiyeen, kuwaas oo wali u xidhan khasaarahaasi.

Meelo ka mid ah xaafadaha Hargeysa oo u baahnaa in ay ka hawlgalaan Baabuurtan iyo Booliiska saran ayay cabasho xoogani ka taagan tahay, waxaanay qaar ka mid ah Dadweynaha xaafadahaasi sheegayaan Duhurka cad in lagu baadho Dadka, ilaa hadana ma jiro Nambar Telefoon oo lagala hadlo Booliiskan, waxaanay u muuqataa qaabka loo sameeyay mid lab la kac ah oo aan laga diyaar garoobin.