Xeer Cusub oo ku saabsan Offisde-ka oo ay soo saartay FIFA

0
53

fifa kaas oo ay ka qayliyeen Garsoorku, muxuuse yahay Xeerkaasi?   FIFA: Xidhiidhka Kubada Cagta Aduunka & Ururka Xirfadlayaasha Kubada cagta ee loo yaqaano IFAB ayaa wada Xeer waxka badal loogu sameenayo Xeerka offiside-ka, xeerkan oo wax ka badelay xeerkii hore ee Offside-ka.

Hadaba Muxuu Dhigayaa Xeerka cusub?

Xeerku wuxuu sheegayaa in waxa ka badal lagu sameeyay oo hal sharci lagu daray xeerkii hore ee Offisde ka oo ahaa “in hadii uu laacib kubad u tuuro saaxiibkii oo taagan meel ka baxsan khadka daafaca kooxda ay weerarayaan Line of defence) in kubadaasi tahay (Offside)”

Balse, “haddii marka kubadda la baasayo ama la tuurayo uu si kas ah u taabto daafaca kooxda la weerarayo oo ay deeto u gudubto laacibkii wax weerarayay kubaddaasi Offside maaha xitaa hadii uu laacibku taagan yahay meel caadiyan offside ah, waayo waxaa hobseedka ka bixinaysa taabashada laacibkaasi uu taabtay daafaca kooxda kale”

Sidaa darteed Xeerkan waxaa markiiba ka qayliyey Ururka Garsoorayaasha Kubada Cagta oo ku tilmaamay mid buuq badan ka abuuraya ciyaar yahanada & Garsoorka.