Xafiisyada Dawladda Gobolka Saaxil oo is-fasaxay iyo dadweynaha oo la’ cid u shaqaysa

0
96

Berbera(Waaheen) Bisha Barakaysan ee Ramadaan waxa Dadweynaha iyo Ganacsatada kala duwan ee magaaladda badhasaabBerbera ku sugan soo food saartay in ay kala kulmaan Xafiisyadda Dawladda qaarkood in aan albaabadaba loo furin, iyagoo Dadweynuhu is weydiinaya cida Fasaxa siisay.

Xafiisyadda ugu daran ee ay cabashada ugu badani ka soo yeedhayso waxa ay kala yihiin Xarunta Gobolka Saaxil iyo Maareeyaha Dekedda Berbera, waxaanay warbixin aanu ka helnay Iftiiminaysaa dayac dhinaca shaqada ah oo ka muuqata masuuliyiinta wakhtiyadii shaqada looga baahnaa.

Warbixin kooban oo wariye Madax banaan oo ka gaabsaday in la magacaabo nooga soo diray ayaa u dhignayd sidan:-

Xafiisyada maamulka gobolka saaxil oo illaa intii Ramadaan bilatay xidhnaa, dadwaynaha reer berbera ayaa waxay kala garan la’yihiin in ay fasax qaateen oo madaxwaynuhu fasaxay bisha Ramadaan awgeed iyo in ay iyagu is fasaxeen. xafiisyada aan la furin waxay kala yihiin xafiiska badhasaabka gobolka  iyo ku xigeenkiisa, Inkastoo xafiisyo badan aan laba furinba oo dawladu leedahay ayaa xafiiskan gobolku waxa u yahay furaha maamulka dawlada oo marka uu isagu shaqaynayo xafiisyada kalena waa qasab in ay furnaadaan, Xafiisyadan maamulka Gobolka saaxil ayaa u Muuqda Dhisme ahaan mid laga guuray oo aad moodo in uu dumayo Burburka ka muuqda aawadii, Waayo sanado badan lama dayctirin sida la ii sheegayna dhawr jeer ayaa ilaa xukuumadii udub lacag lagu qaatay ay dawlada dhexe ku bixisay dayactirka dhismahaa gaboobay ee maamulka gobolka saaxil.

Waxa sidoo kale layaab leh in dekada berbera oo ah goob ganacsatadu wax kala soo degto waqtigana aad u camiran in shaqaale hoosaad mooyaane aan madaxda sare ee dekadu soo shaqo tagin hanoqoto maareeye iyo iyo ku xigeenkiisaba, waxaanad arkaysaa ganacasto isdaba meeraysanaya oo cid wax u saxeexda la’ waxaanay is waydiiyaan Goormuu xaajigu soo galayaa, waa maareeyaha dekada  oo magacaa loogu yeedho, siday ii sheegeen ganacsatada qaarkoodna waxa uu dekada soo galaa maareeye Cali Xoor xoor habeenkii wixii ka danbeeya labo iyo tobanka habeenimo Oo uu fooqa danbe ku qayilo ilaaa suxuurta, hadaba waxa iswaydiin leh yaa loo shaqaynayaa xiligaa,