Wayne Rooney oo Mustaqbalkiisa Man United u gacan galiyey Tageerayaasha Kooxda 9th August.

0
121

Rooney 22W.Wararka: Ciyaar yahanka Xulka Qaranka Ingiriiska ee Wayne Rooney ayaa mustaqbalkiisa kooxda United u gacan galiyey Tageerayaasha Kooxda United, ka dib marka uu ka soo hormuuqdo kulanka lagu maamusayo mustaqbalka Laacibka Rio Ferdinand ee Old Trafford, kaas oo ay isaga hor iman doonaan kooxda Sevilla ee dalka Spain.

Arintan ayaa timid ka dib markii Macalinkii hore ee United Sir Alex Ferguson uu shaaciyay inuu codsaday Wayne Rooney dhamaadkii xili ciyaareedkii hore in la iibiyo, taas oo aad uga cadhaysiisay tageerayaasha United, iyadoo ciyaar yahanka laftiisu uu doonayo inuu tijaabo marsiiyo dooqkhiisa, iyadoo hadii uu Qaylo & Cay kala kulmo taageerayaasha Old Trafford 9ka bisha August isla markaana ay ka soo horjeestaan, waxay taasi keeni keeni kartaa inay ku riixdo inuu u dhaqaaqo kooxda Jose Mourinho ee Chelsea inkastoo kooxda reer London laga soo diiday dalab 27 milyan ginni ah.

Balse hadii uu Laacibkani la kulmo soo dhawayn waxa uu ogoaan doona inay jirto fursad yar oo uu dib ugu dhisi karo buundooyinkii ku xirayay kooxda, taasi oo ka dhaadhicin kartaa Rooney in weli heshiis nabadeed la gaadhi karo.

Ciyaar yahankan baxsadka ah ayaa wajahaya labo kulan Todobaadka soo socda kuwaas oo go’aansan karta mustaqbalkiisa, Rooney oo 27 sanno jir ah ayaa taam ah mar kale ka dib markii fasaxiii ay kooxda ku mareysay Asia iyo Australia uu ku seegay dhaawac.

Dhanka kale, waxa uu sugi la’ yahay inuu arko sida David Moyes uu u isticmaalo kulanka Sevilla iyo ka hor kulanka AIK ay Salaasada kula ciyaarayaan Stockholm.

Macalinka Cusub ee United David Moyes ayaa doonaya inuu laacibkan u isticmaalo khadka dhexe halka uu ciyaar yahanka Robin van Persie u doortay weeraryahanka koowaad ee kooxda.

Laakiin Rooney ayaa weli ah Dookha koowaad ee weerarka xulka England, ma doonayo inuu taas halis iska geliyo iyadoo hal sanno uun ay ka hadhsan tahay Koob Adduunka ee 2014 ka dhici doona dalka Brazil.