Kooxda Barcelona oo wali ciyaaryahano suuqa ka baadi goobaysa, Yaase u calaamadsan?

0
86

bacelonaW.Wararka: Kooxda difaacanaysa Horyaalka Dalka Spain ee Barcelona ayaa wali ciyaaryahano ka baadi goobaysa Suuqa xili ciyaareedkan, Madaxweynaha kooxda Barcelona Sandro Rosell ayaa shaaca ka qaaday in Barcelona aysan weli ka dhamaan suuqa kala iibsiga, islamarkaana ay doonayaan inay hal ciyaaryahan kale soo xero geliyaan ka hor inta uusan xidhmin suuqa kala iibsiga.

Kooxda Catanlaya ayaa lala xidhiidhinayay daafacyo dhexe bilihii u danbeeyay oo ay ku jiraan Thiago Silva, Mats Hummels, Daniel Agger iyo David Luiz, laakiin waxa ay diideen inay faahfaahin ka bixiyaan ciyaaryahanka diirada u saran rasmi ahaan, waxaana tan iyo dhamaadkii xili ciyaareedkii hore Kooxda Barca la soo wareegtay kaliya Xidiga reer Brazil ee Neymar oo 57 milyan Euro kala soo wareegeen kooxda reer Brazil ee Santos, sidoo kale waxay shalayto xaqiijisay inay qandaraaska u kordhiyeen Cristian Tello halka ay sidoo kale sheegeen in Alexis Sanchez uusan iib aheyn, laakiin waxay sheegeen inay doonayaan in ciyaaryahan kale ku daraan kooxdooda. Gudoomiyaha kooxda oo la hadlayey Jariirada AS ayaa yidhi “Waxaan dooneynaa inaan hal ciyaaryahan oo kale ku soo darno kooxdeena ka hor inta uusan xidhmin suuqa kala iibsiga ciyaar yahanada, si kastaba waxaa muhim ah in la ogaado inaadan mar walba heleynin ciyaaryahanka aad rabto madaama kooxaha qaar aysan dooneynin inay iska iibiyaan.”