Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADANI Oo Iftiimiyey Dhibaatooyinka ay Dawlada Hoose Ee Hargeysii Ku Hayso Dadka Danyarta Ah Ee Ka Ganacsada Suuqyada Hargeysa.

0
91

298facc01ea2657f283d8c450148f2df_LHargeysa(Ramaas) July31, 2013 -Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI ayaa ka damqaday dhibaatada iyo tacadiga maalin laha ah ee ay ciidamada Dawlada Hoose ee Hargeysa ku hayaan ganacsatada yar yar ee ku dhexganacsada suuqyada waawayn ee Hargeysa gaar ahaan suuqa waaheena,oo maalin walba si joogto ah ay ciidamadaasi uga burburiyaan alaabta yar ee ay ku iibiyaan wadooyinka dhinacooda,hoghaya warfaafinta xisbiga WADANI Maxamed Xasan Dirir iyo Cabdirashiid Maxamed Cali Oo ka tirsan Golaha fullinta ee xisbigan oo maanta shirjaraa’id kaga hadlay arrintan ayaa tibaaxay in uu yahay talaabada ay Dawlada Hoose iyo Ciidanaka Boolisku ku hayaan ganacsatadan yar yar uu yahay mid aan sharciga waafaqsanayn,ugu horayntiina waxa goobtaas ka hadlay Cabdirashiiid Maxamed Cali waxanuu yidhi isagoo arrimahan ka hadlaya” aanu shirkan jaraa’id u qabanay in aanu kaga hadalno dhibaato iyo tacadi shalay ka dhacay suuqa waaheen, kaas oo tacadi badan loogu gaystay dadka dan yarta ee ku ganacsata suuqaasi.
Runtii dadkaas oo loo adeegsaday muruq, waxa aanu leenahay ma qabato arrintaasi dadka dan yarta ah, waxaanan halkan ugu baaqayaa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo markii uu xilka la wareegay sheegay in uu saaxiibo ka dhigi doonno ciidamada Booliska iyo dadka, waxaanan leeyahay wasiir arrintii waaba ka sii dartay.
Waxa aanu aragnaa in Somaliland ay marayso halkii ay Somalia maraysay 1980, ee ay ciraaq maraysay 1990 ee ay Libya Maraysay 2000 ayaan u aragnaa, waxa aanu leenahay dalkan aqoonyahankii ayaa ka baxay oo ka tahriibay, dhalinyaradii ayaa ka dhaqaaqday iyaga oo cadaalad daro tirsanaya, maantana waxa ay muuqataa in dan yartii iyo Islaamihii suuqa ku ganacsanayay iyagana laga saarayo, aad iyo aad baanu arrintaasi u cambaaraynaynaa,Waxa Kale oo aan halkan baaq uga diraynaa Mayorka Magaaladda Hargeysa oo Muddo yar xilkan hayay waxa aan ugu baaqaya in uu umadda masuuliyeeda si hagar la’aan ah ugu qabto, Mana ah in ay ciidamadu ay u waydaartaan dadkaasi dan yarta ah” ayuu yidhi Cabdirashiid Maxamed Cali.
Dhinaca kale waxa isna goobtaas hadalka soo jeediyey Xogyaha Warfaafinta ee Xisbiga WADANI Maxamed Xasan Dirir oo sheegay in aan laga aqbali doonin xukuumadda in ay awoodeeda ku tijaabiso dadka Danyarta ah, waxaanu ku bilaabay hadalkiisa sidan”Waxa aanu xukuumadda leenahay la idinka aqbali maayo in aad dadkii danyarta ahaa ee ku ganacsanayay suuqyadda Hargeysa aad awoodiina iyo muruqiina ku tijaabisaan oo ay wax qabadkiisan ka mid noqoto waxa ayaan darro ah in hooyooyin sooman oo surbacaad caruurtooda ugu soo saaraya quutal daruuriga loo adeegsado ciidan cagta mariya ay u adeegsadaan wasiiro iska nasanaya oo caruurtooda dubai maryaha looga soo iibiyo, La idinka aqbali maayo in aad haweenkaasi suuqyadda jiid-jiidaan, maaha mid la idinka yeelayo, hadii ay sii socotana waxa xiggi doona kacdoon oo madaxtooyadda aad ku nasanaysaan ee uu madaxweynuhu ku jiro ayaa la idiinku soo geli doonaa,Ciidamada kala duwana waxa aan leeyahay hooyooyinkan aad jiid-jiidaysaan waa kuwii caruurtiina u soo shaqo tagay, hadii uu nin dan lihi idin amray oo aan waxba ka ogeyni, waxa la idiinka baahan yahay in aydaan u dhago nuglaanin ee aad horta xaaladda qiimaysaan”.ayuu yidhi hoghay xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI oo u adkaysan waayey dhibaatada joogtada ah ee ay ciidamada Boolisku iyo dawlada Hoose ee Hargeysi ku hayso dadka danyarta ah ee ku ganacsada suuqyada magalada Hargeysa,sikastaba ha ahaatee waxa soo badanaya tacadiyada ay dawlada hoose ku hayso dadkan ayadoo ay soo dhawdahay ciidii isla markaana maalmahan dadkani waxoogaa faa’ido ah ka heli jirey ganacsigoodan ayaad moodaa in ay dawlada Hoose ku noqotay mid ay ka ceeshi kari waayeen.