Kooxda Tottenham oo Arsenal kula dagaalamaysa Saxeexa Ciyaar yahanka Luis Suarez

0
106

images (2)W.Wararka: Kooxda Tottenham ee dalka ingiriiska ayaa laga yaabaa inay ku cidhiidhiso kooxda dhigeeda ah ee Arsenal saxeexa weeraryahanka Liverpool ee Luis Suarez.

Kooxda reer London ayaa laga yabaa hadii ay kooxda Real Madrid ka iibiso xiddigooda Gareth Bale lacagta ay ka helaan ayaa waxa laga yaabaa inay si dardar leh suuqa dib ula soo galaan, iyadoo wax yar ay ka hadhsan tahay xiliigii albaabada la isugu laabi lahaa suuqa ciyaar yahanada

Ciyaar yahanka lagu wada inuu  ugu qaalisanaado aduunka ee Bale ayaa soo xaadiray maata tababarka kooxda Spurs, iyadoo Real Madrid ay wado qorshaheeda ay ku soo jiidaneyso Bale iyadoo Zinedine Zidane uu ugu Baaqay Tottenham inay ciyaaryahanka u ogolaadaan inuu baxo oo uu raacdo riyadiisa.

Kooxda Real Madrid ayaa u adeegsaneysa tababare ku xigeenkeeda Zidane inuu ku qanciyo Bale inuu u dhaqaaqo xagaagan Santiago Bernabeu.

Gudoomiyaha kooxda Tottenham Daniel Levy ayaa isku dayay in Suarez uu kala soo wareego Ajax markii Harry Redknapp uu kooxda macalin ka ahaa, waxaana haatan la filayaa in lacagta ay ku helaan Bale inay suuqa dib u gelin doonaan.

Laacibka Suarez ayaaa isna mustaqbalkiisa uusan weli meelna saarneyn, iyadoo dhawaan kooxda ay Waqooyiga London ku xafiiltamaan Tottenham ee Arsenal laga soo diiday dalab ahaa £40 Milyan oo Giniiyadoo kooxdiisa Liverpool ayaana ciyaaryahanka ku qiimeyneysa 55 milyan gini inay ku fasaxayso.

Dhawaan ayay hayad markii Xidiga reer Uruguay Suarez uu ka codsaday naadigiisa in loo ogolaado inuu baxo, tasoo dhiirogelin u noqon karta Tottenham laakiin waxa ay ogyihiin in dhibaatadooda ugu weyn ee ay ku soo jiidan karaan inay tahay inaysan ciyaareynin Champions League, tasoo ah sababta rasmiga ah ee ciyaar yahankaniuga baxayo Anfield madaaxa kooxda reer waqooyi aysan sanadkan ka tirsaneen kooxaha u tartamaya koobka dhagaha waaweyn.