Xukuumadda oo xabsiga ku gurtay dhalinayaro iyo Haween Reer Abdaal ah oo taageeray Golaha Badbaadada Qaran

0
75

“Waxa saldhiga Abdaal ku xidhan 16 dhalinyaro ah iyo shan Haween ah saxaafadiina dhexda ayaa loo joogsaday” Goob-jooge

Abdaal (Waaheen) Xukuumadda Somaliland ayaa shalay xabsiga ku gurtay Dad Reer Abdaal ah oo shalay magaaladaasi ku qabtay munaasibad balaadhan oo ay ku taageerayaan Golaha Wadatashiga iyo Badbaadada Qaran ee dhawaan dad ay soo abaabuleen saraakiil xukuumadda ka tirsani isla Abdaal ka dhaleecaynayeen Golahaasi. Qaar ka mid ah Dadka ka firxaday Booliiska oo Waaheen kula soo xidhiidhay Telefoono ayaa u sheegay in Lix iyo Toban Dhalinyaro ah iyo shan Haween ah Booliisku ku xidheen saldhiga Abdaal intii ka baxsatayna ay Booliisku raadinayaan si ay ugu daraan, iyagoo talaabada xukuumaddu kula kacday ku tilmaamay mid kalitalisnimo ah oo aanay ka filayn. Warbixin la xidhiidha qudbadihii ay dadka la xidh xidhay ka jeediyeen fagaaraha Abdaal waxa ka mid ahaa oo ugu hor hadlay Cabdi Xasan Diirye (xiiray) oo ku hadlayay magaca odayaasha  “waxaanu si buuxda u soo dhawaynaynaa golaha wada tashiga iyo toosinta qaran somalilnd. hadii aanu nahay odayaasha, waxgaradka, dhalinyarada, haweenka iyo guud ahaanba dadkayaga degan degmada Abdaal  golaha waxaanu leenahay soo dhawaada oo kaalaya degamada abdaal, xafiisyo ka furta bulshadu way idin soo dhawaynaysa. hadalkii maalintii dhawayto laga yidhi goobta riiga biyaha laga soo saarayo wuxuu ahaa hadal hunguri. muu ahayn hadal runta xanbaarsan, waxaana maanta xaal ka bixinayaa dadka tirada badan ee   halkan isgu yimi”
waxaanu intaas raaciyay “Riiga biya soo saarka ee maanta lasku suntaayo maaha mid maareeyaha iminka joogaa hirgalinaayo ee waa mid uu hirgaliyay maareeyihii hore ee dekeda berbera Axmed Yuusuf Dirir, waxa  kaliya ee loo baahan yahay waa in biyaha Riiga magaalada la soo gaadhsiiyo kaliya, taas uun  baanu   sheegtaa maamulka cusub “ayuu yidhi
Maxed Xasan Jaamac oo isaguna ku hadlaayay magaca dhalinyarada ayaa sheegay in sidaa odayga ka horeeyay sheegay ay si buuxda u tageersan yihin golaha dhalinyaro ahaan waxaanu yidhi “waxaan odhan lahaa odayaasha intay magaalada noogu yimaadaan odhanaaya golahaasi sharci maaha waxay degmada Abdaal idiinka baahan tahay inaad wax u qabataan oo u samaysaan school secondary ah ,toon balaana la saaro degamada, dhuxusha la goynaayo oo ciidan qabta loo keeno ee looma baahna inta  aad guryihiina ka dhisataan magaalooyinka waaweyn, hadalka xanafta lehna la timaadan Abdaal, taasi mid aanu dib u yeelayno maaha, maalintii dhawayd waxaynu isku ogayn in arrimaha biyaha laga mahad celiyo, ee ismaynaan odhan odayga wayn ayaa idin afduubi doona” ayuu yidhi
dadkan ka hadlay Abdaal ayaa ku dhaliilay Xukuumadda in ay dhawaan ka hadleen magaaladda dad ay soo abaabushay iyadoo ku sawiraysay Riig biyood oo loo dhagax dhigay in loo qodo, kaasoo ay ku Eedeeyeen masuuliyiintii u keentay in ay Olole ka dhan ah Golaha ula yimaadeen cida u hadashayna aanay ahayn Dad Reer Abdaal ah.Talaabadan ay Xukuumaddu qaaday ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee ay ku fuliso dad taageersan Golaha Wadatashiga iyo badbaadada Qaran, kaasoo ay Xukuumaddu ku tilmaantay in uu yahay mid sharci daro ah, balse aan ilaa hada wax talaabo ah ka qaadin Masuuliyiinta ku dhawaaqay.

Warar kale oo madax banaan ayaa sheegaya Booliisku in ay kamaradihii ka qaadeen wariyayaal war ka soo duubay xafladda Abdaal lagu qabtay ee dadkeedii la xidh xidhay, hase yeeshee ilaa hada ma jiraan Hay’addo warbaahineed oo ka hadlay arrintaasi.