Somaliya: Ismaaciil Buubaa oo Golle madhalays ah kaga dhawaaqay Muqdisho

0
74

buubaawuxuu ka shaqaynayaa Golaha Midnimada Qaranka iyo xoojinta Dawladnimadda Somaliyeed.

Muqdisho(Waaheen) Munaasibad lagu qabtay magaaladda Muqdisho ayaa lagaga dhawaaqay Golle siyaasadeed oo lagu taageerayo qaranimada Somaliya, waxaana ka soo qayb galay siyaasiyiin kala duwan oo ay ka dhex muuqdaan qaar Somaliland u dhashay, kaasoo loo bixiyay Golaha Midnimada Qaranka iyo xoojinta Dawladnimadda Somaliyeed.

Siyaasiyiinta munaasabidan kasoo qeyb galay ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Maxamuud Guleed Gacmadheere iyo Ismaaciil Hurre Buubaa oo labaduba ay xilal kala duwan ka soo qabteen dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray

Golahan ayaa waxaa uu yahay gole lagu taageerayo dowladda Soomaaliyeed iyo Qaranimadda Soomaaliya sida ay sheegeen dadkii kasoo qeyb galay.

Siyaasiyiintii munaasbada kasoo qeyb gashay ayaa waxa ay aragtidooda ka dhiibteen sida uu u shaqeyn doono golahan, waxayna tilmaameen in golahan uu yahay mid lagu taageerayo dowladnimadda soomaaliya.

Guddoomiyaha Golahan lagu magacaabo Golaha Midnimada Qaranka iyo xoojinta Dowladnimada Soomaaliyeed Ismaaciil Hurre Buubaa oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay soo saareen qodobo ka kooban 13 oo qayb ka ah sharuucda u degsan golaha ee lagu taageerayo midnimada Soomaaliya.

“Goluhu u jeedadiisu waxa ay tahay sidii loo tayeyn lahaa, loona taageeri lahaa dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama indhaha caalamka ay haatan ku soo jeedaan Soomaaliya” ayuu hadalkiisa ku daray.

Golahan Midnimada Qaranka iyo xoojinta Dowladnimada Soomaaliyeed ayaa aas-aaskiisa waxaa uu kusoo beegmayaa xili dalka ay ka jirto dowlad rasmi ah oo aan KMG aheyn.