Tababare Pep Guardiola oo Guuldaradiisii ugu horeysay ka dib, ku dhegen Daafaca Chelsea David Luiz

0
19

LuizW.Wararka: Ka dib Guuldaradii ay kooxda Bayern Munich kala kulantay kooxda ay sida weyn isku hayeen ee Brusia Dortmound ee Koobka Super Cupka Jarmalka ayaa Macallinka dhawaan galka ah ee naadiga Bayern Pep Guardiola ayaa u arka in daafaca dhexe tahay meelaha yar uu u baahan inuu ka hormariyo naadiga Bayern isla markaana waqti dheer la dhacsanaa daafacan reer Brazil ee David Luiz.

Waxaana Wararku intaas ku darayaan talo soo jeedintaas ka dib markiiba in Maamulka Naadiga Bayern Munich ee ka dhisan dalka Jarmalka ay dar-dar galineyso xiisaheeda ku aadan daafaca naadiga Chelsea iyadoo u diyaarsaneysa adduun ka badan 40-milyan oo gini

Kooxda Chelsea ee reer England ayaa joogteyneysa diidmadeeda ah inuusan iib ka ahayn ciyaar yahanka 26-jirkaan reer Brazil oo isagu bishii September ee sanakii hore qallinka ugu duugay heshiis shan sanadood ah

Jariiradda Sport ayaa sidoo kale qortay in naadiga Barcelona ay diyaar u tahay inay u soo dhaqaaqdo daafacan halka ka dib markii ay ku guuldaraysatay damaceedii daafaca kooxda PSG ee ka dhisan dalka Faransiiska Thiago Silva oo ku abaal mariyay kooxdiisa PSG heshiis kordhin cusub oo u saxeexay shalay una sheegay inuusan meelna uga socon, sidaas darteed waxaa laga yabaa in kooxaha Barcelona & Bayern uu dhex maro loolan adag oo ku saabsan saxeexa ciyaar yahanka reer Chelsea.

Isku soo wada duuboo mustaqbalka daafacan ayaa ah mid aan fadhin iyadoo horey loo sheegay in Jose uusan ka helin daafacan waloow uu beeniyay isla markaana sheegay inuu la dhacsan yahay qaab ciyaareedkiisa waxaana lagu wadaa in Jose xal ka gaadho daafacan marka uu la kulmo markii ugu horreysay.

Macalinkii hore ee Chelsea ayaa sheegay inaysan wali u dhamays tirmin shaxdiisa kooxda Chelsea uu rabay cahdigiisa labaad tan iyo markii uu ka yimid Real Madrid.

Sidoo kale Guardiola ayaa doonaya inuu ku xoojiyo Ciyaar yaahnka David Luiz, daafacyada kala ah Jerome Boateng, Daniel va Buyten, Holger Badstuber & Dante.