Saxeexa Xagaaga Ma noqon karaa, Dalabka labaad ee Real Madrid ku rabto Bale aduun ku dhow 95 MIlyan oo Gini?

0
84

BaleThe Sun: War sidaha The Sun ee ka soo baxa cariga Ingariiska ayaa shalay qoray in kooxda Tottenham ay ka diiday dhigeeda Real Madrid Dalab 93.1 milyan euro oo ay ku doonaysay xidiga baalka ee Gareth Bale, balse kooxda Real Madrid ayaa isla markiiba dalab labaad miiska u saartay Tottenham oo kii hore ka sii daran? Yaab. Kooxda ugu dhaqaalaha badan kooxaha K/cagta Aduunka Real Madrid isla markaana lagu yaqaano inaysan ku adkaan sida dhaqaale loogu huro ciyaar yahanada markaas dayaxoodu bidh bidhayo ayaa miiska u saartay dalab aad u weyn oo ay adag tahay in si sahal ah loo diido kooxda reer London. Haye ka warama Lacag iyo laba ciyaar yahan, ayaa si qunyar ah ugu shgeen dilaaliintii Spanishku yaabe nimankii Ingiriis, iyagoo dhabanada haysta ayay yidhaahdeen faahfaahiya, waayahay ayaa si aan dhib lahayn loogu sheegay oo la yidhi waxaa naga diyaar ah “59 milyan euro (51 milyan ginni) oo kaash ah oo ay la socdaan Angel Di Maria oo lagu qiimeeyo 29 milyan euros (25 milyan ginni) iyo Fabio Coentrao oo lagu qiimeeyo 22 milyan euros (19 milyan ginni). Markay halkaas sheeko marayso ayaa wariyihii Maqaalka qurayey laftiisu yaabay, waxaanuu qalinkiisa ku qortay in Heshiiskan lagu tilmaami karo midkii qarniga, sidaas na loogu diiwaan galin lahaa Heshiiska ugu qaalisan ee ciyaartoy lagu kala iibsado, isaka oo jabin lahaa Recordkii hore ee ciyaar yahanka Cristiano ronaldo oo ahaa 80 Milyan oo Gini. Ciyaar yahanka reer Wales Gareth Bale ayaana Horaantii todobaakda u sheegay Gudoomiyaha Kooxda Tottenham Levy inuu jeclaan lahaa inuu ku biiro Real Madrid, balse ma jirto in si rasmi ah u codsaday in la fasaxo. Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa waxaa ka go’an inuu Ciyaar yahanka Bale ee 24 Jirka ah ka dhigo saxiixiisii ugu danbeeyay ee Xagaagan.